Her er noen ord du må forstå for å kunne lese dette heftet: Erayada muhiimka ah ee buuggaan yar



Like dokumenter
til de neste generasjoner. Den kulturen som formidles videre til de neste generasjoner kaller vı kulturarv.

Xaqiiqda Cagaarshowga noociisa A, B iyo C iyo sida aad uga hor tagayso in aad qaaddo

Da verdens land ble enige om å gjøre noe med miljøet. Jordas naturgrunnlag tåler ikke at hele verden har et forbruk som den vestlige verden.

Somali/norsk Xaqiiqda Hiifka iyo aydhiska

Xuquuqaha dugsiga. Buug yar oo ah tilmaame ey soo diyaariyeen Dysleksi Norge DYSLEKSI. Waanu ku caawineynaa si aad jidka u hesho!

Norsk - Somalisk / Noorweeji - Soomaali

Her er noen ord du må forstå for å kunne lese dette heftet:

Carruurta iyo dhallinyarada ku hadasha luqooyinka laga tiro badan yahay ee wax ka dhigata dugsiyo ku yaalla waddamada ay waalidiintoodu ka soo jeedaan

New rules for entering into marriage outside Norway. Sharciyo cusub oo khuseeya dadka ku soo guursada dalka debeddiisa

Warbixin kooban oo ku saabsan qallalka/suuxdimaha. Somali/Soomaali

Luuqaddu waa muhiim ee si sax ah u baro!

KU SOCOTA DADKA MAGANGELYO KA CODSADAY NORWAY. -Barashada sharciyada norwejiga. ASYLSØKERE I NORGE - Somalisk -

SOMALI. Til nyankomne innvandrere som kan få permanent opphold i Norge

Sidee nolol wacan u noolaan kartaa adoo qaba macaan? Sidee isaga ilaalin kartaa macaanka? Af-soomaali / Somali

NORSK SOOMAALI Gulrot Karooto/Daba-case

Meitemarken. Meitmark. Virveldyr Virvelløse dyr

Munnhygiene og kosthold. Norsk ጽሬት ኣፍን መግብን: Tigrinja. Nadaafada afka iyo cuntada. Somali

Eksamen FSP5882/PSP5554 Somali nivå I Elevar og privatistar / Elever og privatister. Nynorsk/Bokmål

Graviditet, fødsel og barseltid i Norge Uur, dhalmo iyo xilliga baxnaanada umusha ee Norway

Wargelin waalidiinta ardayda laba luuqadoodlaha ah

Xannaanada carruurta. Warbixin ku socota dadka cusub oo dhowaan soo degay degmada Avesta. iyo carruurta da doodu tahay sannad ilaa 6 sano

CARUURTA QOY SASKA LUUQA DAHA BADAN KU HADLA. BUUGYAR OO WARBIXINEED Somali CARUURTA QOYSASKA LUUQADAHA BADAN KU HADLA

Firfircoonow caafimaad dareen!

Arterie. endotelceller. elastin. glatt muskel. bindevev. epitelceller

SOMALIA NORGE SOOMAALIYA NOORWEEY

New rules for entering into marriage outside Norway. Sharciyo cusub oo khuseeya dadka ku soo guursada dalka debeddiisa

Kartlegging av leseferdighet Trinn 2-3 på somali

Versjon: somali. Ku soo dhowaada wadahadalki ugu horreeyay ee xannaanada carruuurta

HØYTIDER, HELLIGDAGER OG TRADISJONER I NORGE

JøHOOYøNKA Waqooyi Galbeed Bari koonfur

NIDAAMKA HORDHACA AH. Soo dhowoow adiga billaabaya borogaraamka hordhaca ah! (introduksjonsprogram!)


Ku soo dhawow Dugsiga barbaarinta Karljohansvern!

SOMALI. Til nyankomne innvandrere som kan få permanent opphold i Norge

Eksamen FSP5882/PSP5554 Somali nivå I Elevar og privatistar / Elever og privatister. Nynorsk/Bokmål

Xanuunka biyo-madax fadhiisadka iyo qalabka tuubada madaxa lagu rakibo

Somaali/somali. Wa maxay macaanku?

SOMALI Informasjon til asylsøkere i Norge Warbixin ku socota magangelyo doonayaasha Norway

Magneten. En rett magnet kaller vi en stavmagnet. Spiss nål i kompass. En bøyd magnet kaller vi en hesteskomagnet. Magneter trekker til seg:

bevegelsesenergi. All energi som kommer av at noe har en bestemt posisjon eller stilling er stillingsenergi.

XAQIIQ KU SAABSAN SOONKA RAMADAANTA

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

Ku caafimaadqab gluten la aan

Arrinta buug-yarahan. Oslo, 1. oktober 2006 PEDLEX Norsk Skoleinformasjon

Somali CAAFIMAADKA CUNTADA

Caalamka noolaha goryaan dhuleedka

Qashin-kala-soocid 2011

Ord og begreper. Norsk Morsmål: Tegning (hvis aktuelt)

D B. ABC iyo DEF wey isku qaab. AB iyo DE wey isu dhigmaan BC iyo EF wey isu dhigmaan AC ve DF wey isu dhigmaan

Uur miyaad leedahay? Miyaad filaysaa in aad cunug dhashid?

Vold i nære relasjoner, tvangsekteskap og kjønnslemlestelse. Et undervisningsopplegg for nyankomne innvandrere

Kartlegging av leseferdighet Somali versjon trinn. Akhris tijaabin. Fasalka 4-5. Magac... Dugsi/Iskuul Fasal...

Ordliste for TRINN 1 (utviklende matematikk-oppgavehefter 1A, 1B,2A, 2B, 3A og 3B, - refleksjonsord som kan hjelpe å forstå oppgaver).

Ordliste for TRINN 3

Malafka waalidka ee ku saabsan canbaarta

Bli bedre i norsk. se forskjellene mellom norsk og somali

Diabetesopplæring til fremmedspråklige

Norsk: Flyktninger Hjelper Flyktninger (FHF)

Kartleggingsmateriell. Kartlegging av skolefaglige ferdigheter hos nyankomne minoritetsspråklige ungdommer

Kartlegging av leseferdighet Trinn 4-5 på somali

Kapittel 1 Førhistorien Cutubka 1-aad Taariikhdii hore. bronse/n: metall, se side 12 og 13. naxaas/ta: bir, eeg bogga 12 iyo 13

Somali. UNGDOMSKONTORET XAFIISKA DHALINYARADA KIRKEGATA 2B KRONA Dabaqa 4aad UNGDOMSKONTORET. Xarumaha Madadaalada. Fritidsklubber

Al Imaamu Al Shaaficii اإلمام الشافعي Allaha raalli ka ahaadee

Notater. Undersøkelse om stemmegivning blant personer med innvandringsbakgrunn. Maria Høstmark. Dokumentasjonsrapport.

Qubayska. Waxaa dhigay. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

De hviler nesten ikke. Men når vi hviler under dyna om natten, hviler øynene våre under øyelokkene før en ny dag med aktivitet.

Informasjon til ungdom om tvangsekteskap Hva kan du bestemme selv?

Diskusjonsoppgaver til elevheftet «Vold i nære relasjoner et undervisningsopplegg for nyankomne innvandrere»

Informasjon til foreldre om ekteskap Hva skal foreldre bestemme?

Ambulerende tospråklige lærere

Arbeidet mot Tvangsekteskap og Kjønnslemlestelse i Midt-Norge. Fiffi Namugunga Regionalkoordinator TVE/KLL, IMDI Midt-Norge

Utsatt for kriminalitet? En veiviser til hjelp

Forebygge og forhindre æresrelatert vold i skolen

Ny i Norge Utfordringer i møte med helsevesenet. Thor Indseth, Oslo,

Røde Kors-telefonen om tvangsekteskap og kjønnslemlestelse. Hindrer og lindrer nød

Foredragsholder: Janne Waagbø Seniorrådgiver Kompetanseteamet mot tvangsekteskap og kjønnslemlestelse Barne-, ungdoms- og familiedirektoratet

Æren sitter i de andres blikk om ære og sosial kontroll

Tvangsekteskap STFIR Tvangsekteskap av Helsesøster/Rådgiver Justina Amidu- RVTS-M

Lærerens bok Vold i nære relasjoner, tvangsekteskap og kjønnslemlestelse

Tvangsekteskap, kjønnslemlestelse og alvorlige begrensninger av unges frihet. Fiffi Namugunga Regionalkoordinator TVE/KLL, IMDI Midt-Norge

Statistikk ung.no, 1. kvartal 2015

Sluttrapport. Forebygging Informasjon til ikke-etniske nordmenn. Prosjektnummer 2013/FBM9235 Det er det indre som teller ( )

Arbeidet mot Tvangsekteskap og Kjønnslemlestelse i Midt-Norge Hva som er nytt? Fiffi Namugunga Regionalkoordinator TVE/KLL, IMDI Midt-Norge

INGEN VET HVA SOM FOREGÅR I MITT HUS, BARE JEG KJENNER MIN SMERTE (sitat fra Mazocruzkvinne fra Puno, Peru)

INGEN VET HVA SOM FOREGÅR I MITT HUS, BARE JEG KJENNER MIN SMERTE (sitat fra Mazocruzkvinne fra Puno, Peru)

STYRK ROLLEN SOM FRIVILLIG I MØTE MED INNVANDRERE

Det neste er vigsel (bryllup). Etter bryllupet sender vigsler papirer tilbake til skatteetaten. Man mottar etter få uker bryllupsattest i posten.

Kan familekonflikter forebygges? Guro Angell Gimse 15. September 2012

Drammensprosjektet. Erfaringer til inspirasjon En oppsummering fra prosjektet Vold i nære relasjoner æresrelatert vold

- skal fagbevegelsen bry seg? Menns vold mot kvinner. Av Tove Smaadahl. Krisesentersekretariatet

F O R E D R A G S H O L D E R : E L I S A B E T H G R Ø T T E L A N D O G J A N N E W A A G B Ø

Ku soo dhawaw Midtre Gauldal!

Statistikk ung.no, 2. kvartal 2018

SAK 8/18 - temaplan for vold i nære relasjoner

Statistikk ung.no, 1. kvartal 2018

KRISE- OG INCESTSENTERET I FREDRIKSTAD en virksomhet i Stiftelsen Blå Kors Fredrikstad For kvinner, menn og deres barn. også for.

Statistikk ung.no, 4. kvartal 2017

MINORITETSRÅDGIVERE. Gudmund Rype og Rebecca Annesdatter

INGEN VET HVA SOM FOREGÅR I MITT HUS, BARE JEG KJENNER MIN SMERTE (sitat fra Mazocruzkvinne fra Puno, Peru)

Transkript:

Her er noen ord du må forstå for å kunne lese dette heftet: Erayada muhiimka ah ee buuggaan yar ansvar avhengig barndom barneoppdragelse barnevernet beskyttelse forbudt fysisk individ kjønnslemlestelse kriminalitet likestilling likeverd migrasjon nettverk nære relasjoner masuuliyad ku tiirsanaan carruurnimo barbaarinta carruurta maadinta carruurt ilaalin mamnuuc dhaqdhaqaaq leh shakhsi gudniin dembi gelid sinnaan isku qiimo ah haajirid nidaam isku xiran xiriiro dhow leh offer overgrep overgriper plikt psykisk respekt tillit tillitsbrudd trygghet tvangsekteskap verdi vold ære årsak dhibbane meel uga dhac xadgudbe waajib nafsiyadeed xushmo kalsooni kalsooni darro Ammaan guur khasab waxa bulshadu qiimeyso xoog wax ku muquunin sharaf sabab 1

SIDE 2: Vold i nære relasjoner Xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow leh Alle mennesker har rett til å leve et liv uten vold Dadka oo dhami waxay xaq u leeyihiin nolol aan xoog ku muquunin laheyn Si dadka isku dhowi ay si wanaagsan ugu wada noolaadaan, waa in ay isula dhaqmaan si xushmad iyo kalgaceyl leh. Dhamaan dumarka, ragga, carruurta iyo dhallinyaradauba waxay xaq u leeyihiin inay gurigooda ku haystaan ammaan. Qoysku waa in uu is aaminaa oo uu isku kalsoonaadaa. Waxaan ka helnaa, siinaanna kuwa noogu dhow jaceyl, taageero iyo xushmadba. Alle barn har rett til et liv uten overgrep og frykt Carruurta oo dhami waxay xaq u leedahay nolol aan xadgudub iyo cabsi laheyn Carruurtu si gaar ah ayey u nugul yihiin. Waxay ku tiirsan yihiin in dadka waaweyni ee ag jooga ay xannaaneeyaan, ayna siiyaan ammaan iyo ilaalinba. Wixii xun iyo wixii wanaagsan ee carruurnimada na soo mara waxay naga muuqanayaan nolosheena oo dhan. Carruurnimo aan ammaan laheyn waxay noo keeni kartaa dhibaatooyin badan, xataa markii aan weynaano. Hva skjer når tryggheten i hjemmet forsvinner? Maxaa dhaca marka laga waayo guriga ammaan? Marka xoog wax ku muquunin lagala kulmo dad si gaar ah noogu dhow, waxaa loo dareemayaa iyadoo kalsoonidii burburtay. Markii ammaan laga waayo, gurigu noqon maayo meel aan tabar, deganaansho iyo farxad aan ka helno. Bedelkii waxaan tabar ku isticmaalnaa in aan is dhawrno, aana iska ilaalino xaaladaha keeni kara xoog wax ku muquunin kale. Vold i nære relasjoner er et alvorlig samfunnsproblem Xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow leh waa dhibaato bulsho oo weyn Sharciyada Norway waxay mamnuucayaan isticmaal kasta oo xoog wax ku muquunin ah. Bulshadu aqbali meyso nooc kasta oo xoog wax ku muquunin ah, aqbalina mayso xoog wax ku muquuninta ka jirta qoyska ama dadka xiriirada dhow leh. Tani waxay khuseysaa sabab kasta oo xoog wax ku muquunintu leedahay. Xoog wax ku muquuninta dadka isu dhow haddii si kale loo yiraahdo ma aha arrin gaar ah. Guurka khasabka ah iyo gudniinka gabdhuhuba waa xoog wax ku muquunin, aan la aqbali karin. Bulshada masuuliyad baa ka saaran inay ilaaliso, kana taxadarto dadka loo geysto xoog wax ku muquunin. Dawladda Norway waxay sameysay qorshayaal badan oo looga hortagayo, laguna joojinayo xoog wax ku muquuninta, oo ay ku jirto xoog wax ka muquuninta ka jirta qoysaska. Shaqaalaha dawladda, tusaale ahaan barayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka waxaa waajib ku ah inay adeegga maadinta ku wargeliyaan haddii uu shaki ka galo in xoog wax ka muquunin ka jirto qoyska dhalay carruurta ay shaqada kula kulmaan. Maadinta carruurta ayaa booliska kiiska ku wargelineysa haddii ay lagama maarmaan noqoto. 2

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyad iyo ammaan shakhsiyeed. Bayaanka qaramada Midoobey ee xuquuqda beni`aadamka, qodobka 3 (1948) SIDE 3: 1. Eeg sawirada. Ma xoog wax ku muquunin baa? Hva er vold? Waa maxay xoog wax ku muquunini? Xoog wax ku muquunin waa ku xadgudbid cid kale Xoog wax ku muquunin waa fal u keenaya qof kale dhawaac, xannuun iyo cabsi Xoog wax ku muquunintu waxay noqon karta mid xagga jirka ah ama nafsadda ah. Tusaalayaal xoog ku muquunin waxaa ka mid ah: gacanqaad, haraati, handandaad, dhibid joogto ah, kontorool adag, xoriyad ka qaadid iyo kufsasho. 2. Miyaad heli kartaan tusaalayaal kale oo ah xoog wax ku muuqinin? Hva er vold i nære relasjoner? Waa maxay xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow dhow leh? Xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow leh waxaa loola jeedaa in xadgudbaha iyo dhibbanehuba ay isku qoys yihiin, saaxiibo yihiin, amaba ay si kaleba xiriir joogta ah isula leeyihiin yihiin. Tusaalayaal dadka xiriirada dhow dhow leh waxaa ka mid noqon kara ilmo iyo waalidkood, nin iyo xaaskiisa, wiil iyo gabar wada socda iyo saaxiibaba. 3. Miyaad heli kartaan tusaalayaal kale oo ah dadka xiriirada dhow dhow leh? SIDE 4: 4. 5. 6. 7. 8. Eeg qeexidda xoog wax ku muquunin. Ma ku raacsan tihiin sidaan loo caddeeyey xoog wax ku muquuninta? Miyey xadgudbuhu iyo dhibbanahu ka lahaan karaan fikrado kala duwan xoog wax ku muquunintu? Waa maxay xoogga wax ku muquuninta xagga nafsadda ah? Ma heli kartaan tusaalooyin ku saabsan xoog wax ku muquuninta xagga nafsadda ah? Ma jiraan xaalado ay idin la tahay inay lagama maarmaan tahay in lagu isticmaalo xoog wax ku muquunin? Ka wada hadla waxa ay ku kala duwan yihiin xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow leh iyo xoog wax ku muquuninta kale. 3

9. 10. 11. 12. 13. Miyey aragtida xoog wax ku muquuninta dhaqamada kala duwani ku kala duwan yihiin? Maxaan u baahan nahay si aan qoysku ugu haysano wanaag? Xubnaha qoyska oo idili ma isku wax bay u baahan yihiin? Sidee bay tahay xaaladda xubnaha qoyska ee lagu isticmaalo xoog wax ku muquuninta qoyska? Ilmuhu waxay u baahan yihiin ammaan si ay caadi ugu koraan, nolol fiicanna u haystaan. Taas macnaheedu waa maxay? Cengis wuxuu xoog wax ku muquunin marar badan ku sameeyey xaaskiisa iyo carriiuurtiisa. Hadda xaasku kuma dhacdo inay guriga sii joogto. Waa inay iyada nafteeda iyo carruurteedaba ilaaliso. Waxay u baahan tahay caawin. Ma booliskay aadi? Cengis aad buu u caroon doonaa 14. Maxay idin la tahay inay ku habboon tahay inay xaaska Cengis sameyso? «Xoog wax ku muquuninta dad xiriirka dhow leh Waa dembi weyn Waxay keeni kartaa dhaawacyo caafimaad oo waaweyn, hadday tahay mid nafsadeed ama mid jireedba Waa ku xadgudbid xuquuqda beni aadanimo. (Barta gedinta, qorshaha waxqabad ee xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow leh 2008 2011, wasaaradda caddaaladda iyo booliska) 15. Eeg sawirada. Ma xoog wax ku muquunin baa? SIDE 5: Individets rolle i familien og samfunnet Hawsha shakhsiga ee qoyska iyo bulshadaba Qof kastaaba waa shakhsi. Shakhsigana waxaa qaabeeya bey`adda ku wareegsan waqtiga noloshiisa oo dhan. Laga soo bilaabo marka aan yaryar nahay, waxaan baraneynaa xeerarka waxa khaladka ah iyo waxa saxa ah. Waxaa kale oo aan baraneynaa sidii aan ula noolaan laheyn dadka kale.waxaan la qabsanayeynaa bulshada aan ku dhex nool nahay, booskeenana ka gelaynaa qoyska. Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo loo arko hawsha shakhsiga ee qoyska iyo bulshadaba. Halkaan waxaa ah labo siyaabood: Aragti xoogga saareysa shakhsiga Individorientert Baahida shakhsiga ayaa ugu muhiimsan Madaxbannaani iyo ku tiirsanaaniba waa dabiici Shakhsiga ayaa qeexaya hawshiisiia bulsho. 4

Aragti xoogga saareysa koox Gruppeorientert Baahida kooxda ayaa ugu muhiimsan Isku tiirsanaan iyo iyada oo masuul la iska ahaado ayaa ah dabiici Hawsha shakhsiga waxaa qeexaya qoyska iyo bulshada. 16. Labadaan siyood ee loo arko hawsha shakhsiga, teebaad si fiican u taqaaniin? Abraham deeq shaqo ayuu ka helay dal kale. Wuxuu leeyahay xaas iyo labo carruur ah. Wuxuu jecel yahay in qoysku u raaco dalka kale. Waalidkiis iyo waalidka xaaskiisuba uma arkaan arrintaas mid wanaagsan. 17. Ka wada hadla waxaa qoyska Abraham yeeli doonaan, idinka oo ka eegaya aragtida bulshada xoogga saareysaa shakhsiga iyo bulshada xoogga saareysa kooxda. Familiens betydning i samfunnet Qiimaha qoyska ee bulshada Aragtida bulshada xoogga saareysa kooxda waa qoyska ballaaran kan leh masuuliyadda ugu weyn ee shakhsiyaadka. Dhanka kale shakhsiyaadka waxaa ka saaran masuuliyad iyo waajibaad qoyska ballaaran. Dhammaan xubnaha qoysku wey isku tiirsan yihiin. Xubnaha qoysku si fiican bay isu yaqaanaan, isuna caawiyaan marka kuwa qoyska ka mid ahi dhibaato la soo gudboonaato. Xubnaha qoysku wey yaqaanaan xeerarka qof walba oo qoyska ka mid ah quseeya. Haddii kuwo qoyska ahi sameeyaan khalad, waxay wax u dhimeysaa qoyska oo idil. Aragtida bulshada xoogga saareysa shakhsiga waxay muddo dheer dhaqan gelisay nidaam bulsho oo keenay in shakhsigu uusan ku tiirsanayn kaalmo uu ka helo qoyska ballaaran. Taas macnaheedu wuxuu yahay in qofku isku fillaanayo isaga oo aan kaalmo ka helin qoyska, tusaale ahaan carruur hayn iyo xannaaneyn kuwa jirran iyo kuwa duqoobay. Shakhsigu wuxuu xaq u leeyahay kaalmo uu ka helo bulshada, isna waxaa saaran waajib ah inuu gacansiiyo bulshada. Bulshadu waxay haddii ay lagama maarmaan noqoto shakhsiga ka ilaalinaysaa qoyskiisa. SIDE 6: Aragtida bulsho ee xoogga saareysa kooxda, wuxuu qofku inta badan la joogaa qoyska marka uu rabo inuu haysto wax wanaagsan, ama marka uu xaflad qabsanayo. Qoyska ballaaran ayaa ah waxa ugu muhiimsan, dadka qaarna waxayba u tahay shabaakada keliya ee xiriirka bulsho. Sidaas awgeed ayey muhiim u tahay in loo noolaado sida uu qoysku rabo. Aragtida bulsho ee xoogga saareysa shakhsiga saaxiibada iyo kuwa lala shaqeeyo ayaa muhiim u ah sida qoyska. Shabaakadda xiriir ee bulsho ayaa isbedeli karta qofka cimrigiisa, iyada oo ay ugu wacan tahay kolba xalaadda nololeed. Taasi waxay keenaysaa in shakhsigu haysto dad badan oo uu kala doorto, ee uusan aad ugu tiirsanaan koox keliya. 5

18. Ka wada hadla qiimaha shabaakadda xiriir ee bulsho iyo qoyska ee bulshooyinka kala duwan. Ære Sharaf In badan oo ah bulshooyinka aragtida kooxda xoogga saara ayaa sharafta iyo xeererka sharaftu u yihiin kuwa aad muhiim u ah. Qofka jebiya xeerarka sharafta ee khuseeya kooxda, ayaa sharaftiisu dhacdaa. Maadaama ay qoyska ballaarani ay sharaftu ka dhaxeyso, ma aha qofka xeerka jebiyey oo keliya kan sharaf dhacu ku dhacayo, ee waa qoyska oo idil. Sidas awgeed ayey muhiim u tahay in qof waliba oo qoyska ka mid ahi uusan jebin xeerarka. Kan sharaftu ka dhacdo, wuxuu waayaa wax kasta. Sharaftu waxay in badan la xiriirtaa kontoroolidda dareenka galmada ee gabdhaha iyo dumarka. In badan oo ah bulshooyinka xooga saara aragtida shakhsiga, ayuusan erayga sharaftu sidaa muhiim ugu aheyn. Qofka shakhsiga ahi isaga ayaa masuul iska ah, haddii uu khalad sameeyana isaga keliya ayuu dhib ka soo gaarayaa. 19. 20. Ka wada hadla erayga sharaf. Eega sawirada. Ma xoog wax ku muquunin baa? SIDE 7: Likestilling og likeverd Sinnaanta iyo isku qiimo ahaanta Individets rolle i det norske samfunnet Hawsha shakhsiga ee bulshada noorwiijiga Bulshada Norway waxaa gacanta sare ku leh habka fikirka ee aragtida xooga saareysa shakhsiga. Fikirka qiimaha uu leeyahay shakhsigu wuxuu horukac soo sameynayey labadii boqol sano ee ugu dambeysey. Sharciyada Norwayna waxay isla bedeleyeen si u dhiganta horukacaas. Sharci dejinta Norway ee waqtigaan waxay tixgelin siisaa xuquuqda iyo masuuliyadda shakhsiga. Shakhsigu boos muhiim ayuu ku leeyahay bulshada Nowray, marka loo eego sida hay`adaha dawliga ahi u arkaan iyo shacbiguba. «Noloshayda anigaa ka masuul ah. Waxaan u doorto ayaa hagaya nolosheyda. Haddii aan khalad doorto, aniga uun bay i dhibeysaa. Waxaan xor u ahay waxaan dooranayo, laakiin waxaa kale oo i saaran masuuliyadda waxaan doorto. Rett til å ta selvstendige valg Xaq u lahaanshaha si madaxbannaan wax u doorasho Mid ka mid ah waxyaabaha asaaska ee qiimaha weyn u leh bulshada noorwiijiga waa xaqa shakhsiga ee uu si madaxbannaani ah wax u kala dooran karo. Taas macnaheedu waa in qofka caadiga ahi u doorto noloshiisa waxa uu rabo, isaga oo ku saleynaya awoodiisa, kartidiisa, rabitaankiisa iyo waxyaabaha uu xiiseenayo 6

Likestilling mellom kjønnene Sinnaanta ragga iyo haweenka Sinnanta iyo isku qiimo ahaanta ragga iyo haweenka waa waxyaabaha asaasiga ah ee qiimaha weyn ku leh Norway. Taas macnaheedu waxaa weeye in ragga iyo haweenku fursado ay u siman yihiin u haystaan waxbarashada, shaqada iyo madaxbannaanida dhaqaale. Masuuliyada iyo waajibaadkaba si siman ayey u qeybsanayaan ragga iyo haweenku, qoyskana dadka waaweyni si wadajir ah ayey go aamada muhiimka u qaadanayaan. «Dumarka Norway waxay u soo halgamayeen sinnnaanta iyo isku qiimo ahaanta in ka badan boqol sano. Wuxuu ahaa halgan dheer. Raggu awoodda si sahlan iskagama sii deyn» 21. 22. Ka wada hadla oraahda kore. Ma wax xiriir ah ayaa ka dhexeeya sinnaanta, sinnaan la`aanta iyo xoog ku muquuninta qoyska? Dadka oo dhan waxaa la dhalay iyaga oo xor ah, leh qiimo beni`aadanimo iyo xuquuq beni`aadanimo oo isku mid ah. Waxay leeyihiin caqli iyo damiir, waana inay iskula dhaqmaan ruuxad walaaltinimo. Bayaanka xuquuqda beni`aadamka ee Ururka Qaramada Midoobay, qodobka 1 (1948) Waxaa saaran hay`adaha qaranka inay xaq dhowraan oo ay ilaaliyaan xuquuqda beni` aadamka. Dastuurka Norway, qodobka 110c (lagu daray 1994) SIDE 8: 23. 24. 25. Maxay kula tahay in sawiradaani ka oranayaan awoodda, masuuliyadda iyo hawsha shakhsiga ee qoyska iyo bulshadaba? Ma kula tahay in sida loo arko xoog wax ku muquunintu ay uun sidaa ahaan doonto? Ma kula tahay in sida loo arko xoog wax ku muquunintu isticmaalkeedu sidaan uu ahaan doono? Årsaker til vold Sababaha xoog wax ku muquuninta In kasta oo ay jiraan waxyaabaha qiimaha weyn loo hayo, sharciyada iyo xuquuqda lagu ilaalinayo, laguna daryeelayo shakhsiga, haddana waxaa ka jira xadgudub iyo xoog wax ku muquunin dhammaan qeybaha bulshada Norway. Qaar badan ayaa dhibaatooyin waaweyn ku qaba qoyska. Carruur, dhallin, haween iyo ragba ayaa xoog wax ku muquunin kala kulma guriga. Laakiin waa maxay sababta ay dadka qaar xoog wax ku muquunin ugu geysanayaan dad kale? 7

Sediq waa niyad jabsan yahay. Wixii ka dambeeyey markii uu qoysku yimid Norway, xaalkiisu ma fiicneyn. Dhib wuxuu ka heystaa inuu shaqo helo, lacagtuna kuma filna. Markii xaasku ay aad u weydiiso lacag ilmaha dhar cusub loogu soo iibiyo, ayuu dareemaa in caradu ku sii kordheyso. Markaasay faraha ka baxdaa. Årsaker til vold i nære relasjoner kan være: Sababaha xoog wax ku muquuninta ee dadka xiriirka dhow leh waxay noqon karaan: dhaqaalo xumo ama heerka nololeed oo caadiyan hooseeya waayo aragnimo ah isticmaalka xoog wax ku muquunin oo ah dhib xallin caro kontoroolid la`aanta baahi ah koontoroolid maseyr culeys weyn oo xagga nafsiyada ah sida kala tegidda laba isqabtay, haajirid, dhacdooyin khatar ah oo aan la filleyn iwm. laxaw qaybsiga awoodda ee qoyska cadaadinta dumarka caadooyin kala duwan aqoon iyo faham la`aan cawaaqibka ka imaan kara xoog wax ku muquuninta sharaf iyo ceeb sakhrad 26. 27. Maxay dadka qaarkii u noqdaan xadgudbayaal? Maxaa la sameyn karaa si loogaga hortago xoog wax ku muquuninta dadka xiriirka dhow leh? SIDE 9: Æresrelatert vold Xoog wax ku muquuninta la xiriirta sharafta Cabsida ah in qofku sharaf dhaco ayaa waxay keeni kartaa koontorool adag oo lagu sameeyo xubnaha qoyska, khaasatan dumarka. Marka dadka qaar u isticmaalaan xoog wax ku muquunin haysashada sharafta ama soo ceshada sharafta, ayaa waxaa la yiraahdaa xoog wax ku muquuninta sharafta la xiriirta. Booliska Norway wax khatar ayuu u arkaa xoog wax ku muquuninta sharafta la xiriirta, xoog wax ku muquuninta noocaas ahna waxaa lagu muteystaa ciqaab xabsi ah oo dhiganta ciqaabaha xoog wax ku muuqinta ee siyaabaha kale ku timaada. Xorriyo ka qaadid, guur la isku khasbo iyo gudniinka gabdhaha ayaa ah noocyo ka mid ah xoog wax ku muquuninta sharafta la xiriirta, waana ka mamnuuc Norway. 28. Ka wada hadla tusaalayaal ku saabsan xoog wax ku muquuninta sharafta la xiriirta 8

Vold i barneoppdragelsen Xoog wax ku muquunint la xiriirta korinta ilmaha Waalidiinta qaar ayaa garaaca amaba u isticmaala noocyo kale oo ah xoog wax ku muquunin korinta ilmahooda. Arrintaani caadi ayey waqti hore ka aheyd Norway. Hadda waxay dhakhaatiirtu iyo khabiiro kaleba ogaadeen in carruurta la garaaco ay soo gaadho dhaawac jireed iyo mid nafsiyeedba. Waxaa kale oo la ogaaday inay dhibaato weyn kala kulmaan iskuulka. Sidaas awgeed ayey mamnuuc u tahay in carruurta la dilo Norway, qofkii ilmihiisa dilana waxaa lagu dacweynayaa booliska. Dadka intooda badani wey isku raacsan yihiin in carruurtu u baahan tahay xad, laakiin waxaa si buuxda suurtagal u ah in carruurta xad loo sameeyo iyaga oo aan la garaacin. Carruurtu sida dadka waaweyn ayey shakhsiyaad u yihiin, waxayna xaq u leeyihiin nolol aan xadgudub iyo cabsi toona laheyn. Ulike former for vold Noocyada kala duwan ee xoog wax ku muquuninta xoog wax ku muquunin xagga nafsada ah xoog wax ku muquunin xagga jirka ah xoog wax ku muquunin xagga nafsada ah xoog wax ku muquunin xagga galmada ah sida kufsiga xoog wax ku muquunin xag alaabeed ah Ku hanjabid xoog wax ku muquunin Koontorool adag oo lagu sameeyo nolosha iyo madaxbannaanida dad kale 29. 30. Ma heli kartaan tusaalayaan ku saabsan noocyada kala duwan ee xoog wax ku muquuninta? Ka wada hadla oraahda hoos ku qoran. Maxay idin la tahay in Gandhi ula jeeday? Waxa lagu helo xoog wax ku muquunin, waxaa kaliya oo lagu heyn karaa xoog wax ku muquunin. (Mahatma Gandhi) SIDE 10: Overgriperen Xadgudbaha Sitat 1 Oraah 1 «Si kastaba ha ahaatee haddii aan murugoodo, aan ka xumaado, cidlo dareemo amase dareemo in la igu gardaroodey markaa waxaa iga imaanaya caro. Waa iga sii xanaajinaysaa, sii caroonayaa, waxaanan dareemayaa in aad la iigu sii gardaroodey, awood la`aan baa igu sii kordheysaa ilaa aan marka dambe is xukumi waayo.. oo aan wax garaaco. Markaan wax garaaco ka dib waxaan dareemayaa in aan fududaay, oo aan faaruqay. (xigasho buugga Bjørnen sover, 2007 9

Qofka Wax garaaca Waxay la tahay inay ku adag tahay inuu koontoroolo caradiisa. Wuxuu ka dhigaa dadka ku dhow ku cabsada Wuxuu u hanjabaa qofka la nool ama carruurtiisa inay sameeyaan wax aysan rabin. Wuxuu ku yiraahdaa erayo xun ama dhaawac u geysta dadka ku dhowdhow. Wuxuu burburiyaa alaabta, garaacaa miiska iwm. Malaha wuxuu qaba dhibaato xoog wax ku muquunin. Qofka qaba dhibaato xoog wax ku muquunin, waa inay ama inuu fahmaa inuu qabo dhib ay tahay in la xaliyo raadiyaa kaalmo si uu uga shaqeeyo dhibka awoodaa inuu arko in dadka ku wareegsane ka cabsanayaan fahmaa in isticmaalka xoog wax ku muquunintu u keenayso cawaaqib xumo weyn dhibbanaha iyo xadgudbahaba. helaa siyaabo kale oo lagu xaliyo dhibaatooyinka joojiyaa isticmaalka xoog wax ku muquuninta. Sitat 2 Oraah 2 «Ka dib ugu dambeyntii markaan ogaadey in aan qabo dhibaato xoog wax ku muquunin, waxaan raadsadey kaalmo. Waxaa kaalmo weyn ka helay nin caaqil ah oo qoyska ah iyo dhakhtarkeyga. Hadda waxaa ogahay in xoog wax ku muquunintu dhib aniga igu tahay, masuuliyadeedana anigu leeyahay. Waa aniga waxa wax ka bedeli kara nafteyda iyo sida aan ula dhaqmayo xaaska iyo carruurteyda. Hadda waxaan weydiistey inay iga raali ahaadaan. Wey ku faraxsan yihiin inaan joojiyey inaan garaaco, runtiina sidii hore si ka badan bey ii xushmeeyaan! Laakiin waan fahamsanahay iney waqti qaadaneyso inta ay si dhab ah iigu aaminayaan.» SIDE 11: 31. 32. 33. 34. 35. 36. Ka wada hadla oraahyada kore. Sidee uga fekareysaan xaaladda iyo dareemada oraahyada 1 iyo 2? Waxaa ku fekeri karnaa inuu isku qof yahay qofka sheegaya labada or aahoodba. Maxaad u maleyneysaan inay dhacday intii u dhaxeysey oraahda 1 iyo oraahda 2? Waa maxay dhibka xoog wax ku muquunin? Ma xadgudbaha baa qaba mise dhibbanaha dhibka xoog wax ku muquunin? Maxay idin la tahay inuu xadgudbuhu sameeyo? Xadgudbayaashu meelaha ay kaalmo ka heli karaan waxaa ka mid ah Alternativ til vold (Beddelka xoog ku muquuninta). Ka eeg www.atv-stiftelsen wixii warbixin ah ee intaa ka badan. 10

SIDE 12: Offeret Dhibbanaha Rag iyo dumarba wey noqon karaan xadgudbayaashu, halka carruur, rag iyo dumarna ey noqon karaan dhibbanayaasha xoog wax ku muquuninta. Laakiin tirakoobku wuxuu muujinayaa in raggu yihiin kuwa ugu badan xadgudbayaasha labada isqabta. Xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota ee ay nimanku u geystaan carruurta iyo dumarka aad bay khatar u sii tahay, waayo waxay abuureysaa ammaandarro weyn. Dumarka, carruurta iyo dhallinta lagu hayo koontorool adag oo keena inay waayaan xaqa noloshooda u gaarka ah ayaa iyana ah dhibbanayaasha xoog wax ku muquuninta. Kuwa ku nool nolosha sidaas u adag, waxay u baahan yihiin kaalmo. Waa suurtagal in xaaladdaa wax laga bedelo. Sitat 2 Sitat 1 oraah 1 «Waxaan ku fekerey in ay ka soo rayneyso. Keliya inaan wax u sameeyo sidii hore si ka duwan. Keliya inaan isbedelo. Mar walba waxaa jirtey wax aan khalad u sameeyey. Wax weyn ama wax yar, wax xun.» (xigasho buugga Bjørnen sover, 2007) A: qofka loo geystey xoog wax ku muquunin, wuxuu u baahan yahay Cid uu la hadlo Inuu kaalmo ka raadsado dadka kale si uu u joojiyo xoog wax ku muquuninta. Macluumaad ku saabsan xuquuqdiisa Inuu fahmo in xoog wax ku muquunintu tahay masuuliyadda xadgudbaha Inuu ogaado inuusan isagu laheyn sababta xoog wax ku muquuninta. In la ilaaliyo isaga iyo carruurtiisaba Nabad iyo xasilooni uu uga fekero xaaladda Oraahda 2 «Hadda wax badan baan sheegay. Wey adag tahay in laga sheekeeyo. Laakiin waa muhiim in aan la qarsan, si dadku aysan dhibka keli ugu noqon. Waxaa kale oo muhiim ah in la muujiyo in qofka dib isu soo qaadi karo. Sidaas awgeed ayaan uga sheekeenayaa.» (xigasho buugga Bjørnen sover, 2007) Adduunka qiyaastii afartii naagoodba mid baa wuxuu nin qoyska ahi u geystaa xoog wax ku muquunin. Dumar badan ayaa ku sii noolaada guryaha loogu geysto xoog wax ku muquunin. Maxay saas u tahay? SIDE 13: B: Sababaha keena in dumarku ku sii noolaadaan xaalad qoys oo adag: Masuuliyad dareemid iyo rabitaan isku heyn qoyska Rajeyn in xaaladu ka soo rayn doonto Jaceel iyo xaqdhowr waajib sharaf iyo ceeb ku tiirsanaan isu dareemid in ay hooseyso oggolaansho joogitaan dhaqaale ka tirsanaan qoyska 11

37. 38. 39. A: 40. 41. B: 42. Ka wada hadla oraahyada kore. Maxaad ka oranaysaan xaaladda iyo dareemada oraahyada 1 iyo 2? Waxaan ku fekeri karnaa inuu isku qof yahay qofka sheegaya labada oraahoodba. Maxaad u maleyneysaan inay dhacday intii u dhaxeysey oraahda 1 iyo oraahda 2? Sidee uga fakareysaan talooyinkaan dhibbanaha xoog wax ku muquuninta? Ma talooyin kale ayaad siin laheydeen? Ka wada hadla sababaha uu qofku uu u joogayo qoys ay dhibaatooyin waaweyni ka jiraan. Kan ah dhibbanaha xoog wax ku muquunin, meelaha uu kaalmada ka heli karo waxaa ka mid ah dhakhtarkiisa, NAV (Hey`ada shaqada iyo samafalka), xaruumaha kuwa dhibban (krisesentrene). Qofku wuxuu helayaa talo, tusaaleyn iyo caawin lacageed iyo mid hoyba. Ka eeg www.krisesenter.no wixii macluumaad ah ee intaa ka badan. «Xoog ku muquuninta dumarka malaha waa xadgudubka ugu weyn ee xuquuqda beni`aadamka. Ilaa inta xoog wax ku muquunintu socoto, oran kari meyno horumar baan ka sameyney xagga sinnaanta, horumarinta iyo nabadda.» Kofi Annan, xoghayihii guud ee hore Ururka Qaramada Midoobey SIDE 14/15: Voldsspiralen Noqnoqoshada xoog wax ku muquuninta Xoog wax ku muquuninta kuwa xiriirka dhow leh, waxay inta badan leedahay qaab joogta ah oo ay raacdo. Aad buu u caroonayaa. Gacanqaadku dhaqso ayuu uga imaanayaa. Waan ka gabbanayaa oo iskuna dayayaa inaan is-dhawro. Waxaan rabaa oo keliya inuusan ilmuhu soo kicin! Markaa ka dib isagu waa mid naxariis badan. Wuu ka shallaayayaa, wuxuuna sheegayaa inuusan taa mar dambe uusan sameyn doonin. Waxaan jeclahay inaan rumeysto. Hadda mar dhow bey dhacaysaa. Ma ogi marka ay dhaceyso. Ma ogi sababta. Ta u darina waa inta aad sugeysid. Sawirada kore waxay muujinayaan qaabka ay raacdo xoog wax ku muquuninta qoysku. Wejiyada noqnoqoshada xoog wax ku muquunintu in isle`eg uma wada aha dadka oo dhan, laakiin waxaa caadi ah in dhaqsaha ay ku soo noqonoqoto ay badato marka waqtigu sii dheeraadaba. Ka dib marka xoog wax ku muquunintu dhacdo, ayuu xadgudbuhu in muddo ah ka shallaayaa wixii uu sameeyey. Waxay ama wuxuu isku dayaa inuu qoyska wax fiican u sameeyo. Waqti ka dib buuna hilmaamaa shallaygii, xadgudbuhuna noqdaa mid dagaal doon ah. Markaa baa waxaa dhacda xoog wax ku muquunin cusub. 12

43. 44. 45. 46. 47. 48. 49. Ka wada hadla xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota. Maxaan u isticmaalnaa erayga xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota? Sidee buu dhibbanuhu u dareemaa wejiyada xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota? Sidee buu xadgudbuhu u dareemaa wejiyada xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota? Sidee bey goobjoogayaashii kale u dareemaan wejiyada xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota? Miyey raacaan dhammaan xoog wax ku muquuninta kuwa xiriirka dhow leh wejiyada xoog wax ku muquuninta soo noqnoqota? Eeg weeraha hoose. Xaaladehee bay weerooyinkaani ku habboon yihiin? Iga raalli ahow! Dhab ahaan waa nin naxariis leh Sug inta carruurtu ka seexanayaan oo keliya! Sidaan adoo u lebisan kuma socon kartid! Bal ka feker waxa dadku oranayaan. Sidaas u lama jeedin! Us, aabbe hadda ha qashqashin. Maxaa hadda dhacay? Ha sameyn! Waxaan hadda rajeynayaa inaan marka dambe ka faa` ideysanayso! Mar dambe may Miyaanan iska hilmaami karin wixii shalay dhacay? Hadda ma ka faa ideysatay? SIDE 16: Barn som lever med vold Ilmaha ku nool xoog wax ku muquunin Miriam gurigooda inta badan deganaani kama jirto. Aabbuhu markuu caroodu wuxuu garaacaa hooyada. Mararka qaarkoodna wuxuu garaacaa Miriam iyo walaalkeed. Miriam wey cabsaneysaa. Buruq xannuun leh ayey caloosha marka kasta ka dareemeysaa. Iskuulka waxay la tahay in ay dhib ku tahay inay la socoto waxa macallinku sheegayo. Waalidiinta oo dhammi waxay ilmahooda la doonayaan sida ugu wanaagsan. Waalidiintu waxay rabaan in ilmahoodu xushmeeyaan, helaanna waxbarasho wanaagsan. Waxay rajeynayaan in carruurtu hesho nolol wanaagsan marka ay weynaadaan, waalid badanna waxay doonayaan in ilmuhu iyaga caawiyan marka ay duqoobaan. Ammaan heysasho ayaa muhiim u ah in ilmuhu wanaagsanaadaan, oo ay u koraan sidii la rabay, iskuulkana ku fiicnaadaan. Carruurta cabsidu heyso, waxay la kulmaan dhibaatooyin. Waxay dhibaato ka haysataa dhuglahaanshaha iyo shaqada iskuulka. Waxay inta badan dhibaato ka heysataa inay wax xauustaan, inta badanna wey qarwaan. Si sahlan bey u xanuunsadaan, waayo waxay ku nool yihiin walaac iyo isterees. Carruurtu uma baahna in la garaaco iyaga si ay cabsi u gasho ama dhaawac u soo gaaro. Waxaa dhaawac la mid ahi ka soo gaaro marka ay arkaan cid kale oo la garaacayo. 13

Hjernen påvirkes av vold og frykt Maskaxda waxaa saameyn ku yeesha xoog ku muquunin iyo cabsida u diyaargarow dhib degdeg ah. ka fakirid waxa aan muuqan, koontoroolidda sal fudeydka, dhibaato xalinta, awood u lahaanta caqli gal ahaanta, si bulshanimo ah u wada shaqeyn, wax barasho Maskaxda carruurtu intaa wey sii koreysaa. Marka carruurtu inta badan cabsato, la garaaco ama loo geysto xoog ku muquunin kale, waxay saameyn ku yeelaneysaa koritaanka maskaxda. Jirku wuxuu leeyahay nidaam u gaar ah oo uu uga digo dhibkii degdeg ah, lagana maamulo maskaxda. Marka ilmuhu uu u barto inuu digtoonaado, waxay maskaxdu mar walba direysaa baaq khatar ah. Maskaxda carruurta inta badan cabsida ku jirta, waxay la qabsanayaan nolol cabsi leh. Si maskaxda carruurtu ay mar dambe ugu korto si caadi ah, waa in ilmuhu ku noolaadaan bey`ad ammaan ah muddo dheer. 50. 51. 52. 53. Maxaa ku dhaca carruurta ku nool xoog wax ku muquunin? Maxaa carruurta ammaan geliya? Maxaa carruurta ammaan darro geliya? Maxaad sameyn kartaa si ilmo aad taqaanid uu ammaan u helo? SIDE 17: Barna forstår mer enn vi tror! Carruurtu waxay fahmaan in ka badan inta aan moodeyno! Waalidku wuxuu inta badan moodayaa in ay carruurtu dareemin dhibaatooyinka dadka waaweyn haysta. Taasi inta badani sax ma aha. Cilmi baariddu waxay muujisay in carruurtu fahmayaan waxa dhacaya. Inkasta oo aysan carruurtu arag xoog wax ku muquuninta waalidka ka dhex dhacday, haddana waxaa dhici karta inay cabsadaan. Xataa ilmaha markaa dhashay way dareemaan marka hooyadu cabsaneyso, oo aysan ilmaha siin karin ammaan. Xoog wax ku muquuninta qoyska dhexdiisa waxay keentaa in ilmuhu mar kasta uu dhib ka digtoonaado. Waxay ka cabsadaan xoog wax ku muquunin intii hore ka badan, marnabana kama daalaan inay ogaadaan waxa guriga ka dhacaya «Carruurta loo geysto xoog wax ku muquuninta amase la dayaco daryeelkooda marka ay yaryar yihiin waxay khatar weyn ugu jiraan inay dagaal u joogid iyo xoog wax ku muquunin la yimaadaan. Xoog wax ku muquuninta qoysku waxay keeni kartaa maskaxda oo waxyeelo joogto ahi ka gaarto carruurta.» Jens Grøgaard, dhaqtarka sare ee qeybta, khabiirna ku ah cudurrada carruurta. Barn trenger trygghet Carruurtu waxay u baahan tahay ammaan 54. Carruurtu waxay u baahan tahay sasabid iyo cid u dhow. Maxay idin la tahay in ay dhacayso marka dadka waaweyni aysan carruurta siin karin ammaanka ay u baahan yihiin? Waa maxay sababtu? 14

Barn lærer å bruke vold Carruurtu wey barataa isticmaalka xoog wax ku muquuninta 55. 56. Maxay carruurta loo geysto xoog wax ku muquuninta, ay u noqdaan iyagu kuwo xadgudbayaal? Maxaan sameyn karnaa si aan uga hortagno arrintaa? SIDE 18: Vold i barneoppdragelsen Xoog wax ku muquuninta la xiriirta korinta ilmaha Goran wuxuu rabaa in wiilkiisa siddeed jirka ahi ahaado mid adeeca. Marka uu Milos uusan sameyn sida uu u sheego, Goran wuu garaacaa. Sidaani inta badan wey dhacdaa. Hadda waa inaad dhaqso u barataa ayuu Goran yiraahdaa. 57. 58. 59. 60. 61. 62. 63. 64. Tani ma xoog wax ku muquunin baa? Ma kula tahay in Milos ka cabsanayo aabbihiis? Ma kula tahay in Milos noqonayo mid adeeca? Maxay kula tahay in Milos sameynayo marka aabbihiis uusan guriga joogin? Maxay kula tahay in Milos sameynayo marka uu u caroodo saaxiibadiis? Cawaaqibkee ka imaanayaa in Goran garaaco wiilkiisa? Sharciga Norway muxuu ka qabaa waxa uu Goran sameynayo? Muxuu Goran bedelkii inuu garaaco sameyn karaa? Grenser i barneoppdragelsen Xadka ilmo korinta Goran iyo xaaskiisuba waxay dhigteen koorso ku saabsan korinta ilmaha. Waxaa la siiyey talooyin ah sidey ilmaha xuduud ugu sameyn lahaayeen iyaga oo aan garaacin. Goran wuxuu tijaabiyey inuu raaco talooyinkii, waxayna la tahay in talooyinku badankood si fiican u shaqeynayaan. Waxaa ka cajabiyey in Milos sidii hore si la mid ah uu u xushmeeyo. Xataa wuxuu noqday mid intii hore ka adeec badan. Goran iyo xaaskiisu waxaa la siiyey talooyinkaan: Siiya ilmaha farriimo waadix ah. Ilmaha indhaha ka fiiri markaad farriinta siineysid. Si isku mid oo joogta ah ku ahaaw. Ku celi fariinta marar badan. U hadal si degan, laakiin cayiman. Haddii aad tusaale ahaan may aad macmacaan ka tiraahdo, waa inaadan isbedelin oo aadan hadhow dhihin haah. Wax ka dhegeyso ilmahaaga. Xasuusnow in ilmo walbaa uu yahay shakhsi leh fikrad iyo dareen. Aad u ammaan oo u faani ilmahaaga marka ay iyadu ama isagu sameeyo wax wanaagsan. 15

SIDE 19: 65. 66. Maxay idan la yihiin talooyinkaani? Ma talooyin baa ay adag tahay in la raaco? Hvordan kan vi hjelpe barn som blir utsatt for vold? Sidee baan u caawin karnaa carruurta loo geysto xoog wax ku muquunin? U sheeg carruurta inay wanaagsan tahay inay ka hadlaan xoog wax ku muquuninta. Isku day inay carruurtu ogaato in xoog wax ku maquunintu aynan marnaba iyagu sababteeda laheyn. Samee wixii awoodaada ah oo aad ku joojin kartid xoog wax ku maquuninta. 67. 68. 69. Maxaan sameyn karnaa si aan u caawino carruurta loo geysto xoog wax ku maquuninta? Yey carruurtu la hadli kartaa? Maxay muhiim u tahay in carruurtu ka hadlaan waxa dhacay? Barnevernet er der for barn som trenger hjelp Adeegga maadinta carruurtu wuxuu u jiraa carruurta caawinta u baahan Xafiisyada maadinta carruurtu waxay ku yaaliin degmooyinka Norway oo dhan. Waa xafiisyo dawladeed oo xaqiijinaya in sharciga maadinta carruurta la raacay. Maadinta carruurtu wuxuu hubinayaa in carrurta iyo dhallintuba helaan koritaan ammaan leh oo aan lahayn xoog wax ku maquunin. Waxaa waajib kugu ah inaad caawiso oo aad taageerto carruurta iyo dhallinta ay dhibaato haysato. Hawsha ugu muhiimsan ee maadinta carruurtu waa ilaalinta carruurta, iyada oo inta badan la kaashaneysa qoyska. Maadinta carruurtu waxay qabataa hawlo caawin sida tusaale ahaan la talin, nasin iyo caawiye. Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxay maadinta carruurtu u heshaa qoys cusub carruurta u baahan in laga ilaaliyo waalidkood. Dhammaan kuwa ka shaqeeya maadinta carruurta waxaa saaran waajibka xog qarinta. Dhammaan kuwa la shaqeeya carruur, waxaa saaran waajibka ah in loo soo sheego maadinta carruurta haddii uu jiro wax tuhun ah oo xoog wax ku maquunin qoys ah. 70. Ka wada hadla hawsha maadinta carruurta ee bulshada noorwiijiga. «Waxaa suurtagal ah in carruurnimadii ay jireen waxyaabo wanaagsan, laakiin anigu ma ogi dhabtii waxay ahaan lahaayeen.» (xigasho buugga Bjørnen sover, 2007) 16

SIDE 20: Tvangsekteskap Guurka la isku khasbo Hina wey wareersan tahay. Hadda ayey arrintii dhacday. Hooyo waxay sheegtay in la gaarey waqtigii ay u heli lahaayeen nin iyada guursada. Hooyo waxay magacawday qaraabo badan oo dalkii hooyo joogta oo iyada ku habboon. Hina dareemi meyso inay guur diyaar weli u tahay, waxay jirtaa 17 sano oo keliya! Ma nin aan aqoon Norway iyo nolosha ay Hina ku nooleyd side bey noqon? Waxay dareemeysaa awood la`aan, garan meyso waxay sameyn doonto. Å finne en ektefelle Helidda cid la isguursado Dhaqamada aragtida bulsho ee xoogga saara shakhsiga waxaa caadi ka ah in labada qof ay iyagu is helaan iyada oo aan talo iyo farogelinba uga imaan xagga qoyska. Caashaq iyo jaceyl ayaa ah sababta ugu weyn ee guurka. Guurku waa heshiis dhex mara labo shakhsi. Dhaqamada aragtida bulsho ee xoogga saara kooxda waxaa caadi ka ah in guurka loo arko heshiis u dhexeeya labo qoys. Sidaas awgeed ayey dabiici u tahay in qoysku ka qayb qaato, saameyn ku lahaado amaba go aamiyo cidda ay carruurtoodu guursaneyso. Guurka la qaban qaabiyey ayaa dhaqan ka ah meelo badan oo dunida ah. Dhaqamada aragtida bulsho ee xoogga saara shakhsiga dad badan ayaa doorta inay keligood noolaadaan iyaga oo aan guursan. Qaar badan ayaa door bida iney keli u noolaadaan haddii qofka ay la nool yihiin dhinto amaba ay is furaan. Fursada ah in gooni loo noolaado iyada oo uusan guur jirin ayaan la mid aheyn marka loo eego dhaqamada aragtida bulsho ee xoogga saara kooxda. 71. 72. 73. 74. Ka wada hadla siyaabaha kala duwan ee loo helo ciddii la guursan lahaa. Maxay dhaqamada qaarkood muhiim ugu tahay qoyska oo dhan cidda ilmahoodu guursanayo? Ka wada hadla fursadaha keli lagu noolaado ee dhaqamada kala duwan. Fikradaha isku qiimo ahaanta, sinnaanta iyo xaqa lagu sameysto doorasho loo madaxbannaanyahay waa waxyaabaha qiimaha muhiimka ah u leh bulshda noorwiijiga. Miyaa iska soo horjeed u dhaxeeyaa waxyaabahaan qiimaha leh iyo caadada guurka la isku qabanqaabiyo? SIDE 21: Å leve i to kulturer Ku noolaanshaha labo dhaqan Carruur iyo dhallin badan baa Norway qayb ahaan ku nool aragtida xoogga saareysa shakhsiga ee bulsho weynta, qeyb ahaanna aragtida bulsho ee xoogga saareysaa kooxda oo waalidku u taagan yahay. Taasi waa cawaaqibka haajirida, waxayna abuureysaa iska hor imaad weyn oo jiilalka ka dhex abuurma. Marka ay timaado doorashada ciddii la guursan lahaa, ayaa iska hor imaadkaani khaasataan muuqdaa. 75. 76. Ka wada hadla sida haajiridu u saameyneyso qoysaska. Sidee ayey haajiridu lug ugu yeelaneysaa doorashada cidda la guursanayo. 17

Hina waxay ku hanweyn tahay iney yeelato qoys, nin iyo carruurba waqti dambe oo mustaqbalka ah. Laakiin marka hore waxay rabtaa iney yeelato tacliin, heshana shaqo. Waxay rabtaa inay iyadu doorato waqtiga ay guursaneyso iyo cidda ay guursaneysaba. Laakiin hadda hooyo iyo aabbe waxay maalin walba ka wada hadlayaan guur. Waxay dareemeysaa in aad loo cadaadiyey. Wey fahamsan tahay sababta waalidku u qaylinayaan, weyna ogtahay waxa la sugayo. Waxay jeceshahay iney noqoto gabar wanaagsan. Laakiin maxaysan hooyo iyo aabbe ii dhegaysaneyn anigana? Ayey Hina ku fekertey. Macneheedu ma inaysan dareenkeyga iyo rabitaankeyguba qiimo la laheyn iyaga miyaa? 77. 78. 79. 80. Ka wada hadla xaaladda Hina. Doorashooyinkee ayey Hina haysataa? Doorashooyinkee ayey waalidkeed haystaan? Hina waxay dareemeysaa in la cadaadiyey. Miyaa la khasbay? Sharciga guurka, qodobka 1a: Dumarka iyo ragguba waxay si xaq isku mid ah xor ugu yihiin doorashada cidday guursanayaan. Qofku wuxuu ku guursanayaa rabitaankiisa uu xorta u yahay iyo raalinimidiisa. Marka qof lagu cadaadiyo inuu guursado, ayaan dhahnaa guurka khasabka ah. 81. Ka wada hadla macnaha erayadaan: rabitaan xor loo yahay, raalinimo, cadaadis iyo khasab. «Ma jiro dhaqan, aydoloojiyad ama diin ka barakeysan dadka iyo xorriyadooda. Guurka khasabka ahi waa xorriyad ka qaadid.» Xaruunta Hana ee Ka hortaga Guurka khasabka ah SIDE 22: Sidee bay sidaas ugu abbaal dhici kartaa? Waxaannu kuu helnay nin wanaagsan. Waxaan qoyska ka ballan qaadnay in ina- adeerkaa Norway yimaado. Gabar noocee ah baad tahay, oo aan annaga na maqleyn? Deriska ayaa kugu arkey adoo wiil la socda. Waa kee? Waxaad ku ciyaareysaa sumcaddaada iyo sharaftayada. Isaga iyo qoyskooduba waa dad sumcad leh, lacagna leh. Muxuu yahay dhibku? Guurkaan waxaa la go`aamiyey markii aad yareyd. Waad nooshkowday! Waxaan kula rabnaa oo keliya waxa adiga kuu wanaagsan! 18

82. 83. Waa maxay sababaha waalidku ilmaha ugu cadaadinayo iney guursadaan? Ma xiriir baa ka dhexeeya korinta iyo kontoroolidda adag ee yaraanta, iyo ku cadaadinta guursi iyo guurka khasabka? Kan man skille mellom arrangert ekteskap og tvangsekteskap? Miyaa la kala sooci karaa guurka la qabanqaabiyo iyo guurka khasabka ah? Dadka badankiisu wey isku raacsan yihiin inay khalad tahay in qof lagu khasbo inuu guursado. Laakiin dhab ahaantii waa maxay khasabku? Dooda guurka khasabka ah iyo waxa khasabku yahay waa wax hadda aad uga socda Norway. SIDE 23: Dadka qaar ayaa qaba inaysan suurtagal aheyn in la kala saaro guurka la qabanqaabiyo iyo guurka khasabka ah, waayo qofka dhallinta waxaa qoysku u geysanayaan ha yaraado, amaba ha weynaadee waa cadaadis. Kuwo kale waxay qabaan in farqi muuqda u dhaxeeyo labadaan nooc, iyada oo guurka la qabanqaabiyo dhallintu diidi karayaan, haddii aysan rabin inay guursadaan qofka waalidku u soo helay. 84. 85. 86. 87. Ma suurtagal baa in la kala saaro guurka la qabanqaabiyo iyo guurka khasabka ah? Xaggee ayuu maraa xadka u dhaxeeya la talinta iyo cadaadisku? Xaggee ayuu maraa xadka u dhaxeeya cadaadiska iyo khasabku? Maxaan sameyn karnaa si aan u caawino dhallinta loo geysanayo in guur lagu khasbo? Det er forbudt å tvinge noen til å gifte seg Waa mamnuuc in qof lagu khasbo inuu guursado Sharciga Norway way ku caddahay inay mamnuuc tahay in qof guur lagu khasbo. Hay`adaha Norway waxay u qaataan kiisaska guurka khasabka kuwo aad u culus. Waxay sameeyeen qorshe wax qabad oo lagu joojinayo guurka khasabka ah. Waxay kale oo ay sameeyeen nidaamyo badan oo lagu caawinayo dhallinta loo geystay ama khatarta ugu jira in guur khasab ah lagu dirqiyo. Tusaale ahaan eeg www.ung.no. Sharciga ciqaabta qodobka 222, farqadda labaad: Guurka khasabka waxaa lagu ciqaabayaa kan xoog wax ku muquunin, xorriyo ka qaadid, cadaadis aan habbooneyn amase dhaqan kale oo ka hor imaanaya sharciga amase ugu hanjaba dhaqankaas, ku khasba qof inuu guursaado. Ciqaabta guurka khasabka ah waa xabsi ilaa 6 sano ah. Gacan ka geysashada waxaa lagu ciqaabayaa sidaa si la mid ah. 88. 89. 90. Maxaa loola jeedaa cadaadiska aan habooneyn? Tusaalooyin ma heli kartaan? Maxaa loola jeedaa in qof loo hanjabo? Waa maxay gacan ka geysashadu? 19

Dumarka iyo ragga waxaa loo xaqiijiyaa xaq isku mid ah oo ah inay si xor ah u doortaan cidda ay guursanayaan, guursadaana keliya marka ay xor u yihiin, si buuxdana raali uga yihiin. Axdigii haweenka ee Qaramada midoobey, qodobka 16 SIDE 24: Kjønnslemlestelse Waxyeeleynta xubnaha taranka Hva er kjønnslemlestelse? Waa maxay waxyeeleynta xubnaha taranka? Waxyeeleynta xubnaha taranka amase gudniinka dumarku waa qalliin dhaawacaya amase lagu jarayo qaybaha kore ee xubinta taranta. Waa isku mid in inta la dhaawacey ama la jarey inay yar tahay ama weyn tahay. Gudniinka dumarku waa xoog wax ku muquunin dadka xiriir dhow leh. Gudniinka dumarku waa mamnuuc. «Dhaqankeyga caado ayeynu u leenahay gabdhaha la gudo. Dadka qaar baa yiraahdaa waa qeyb diinteena ka mid ah. Waxaan sidaas u sameynaa si aan u ilaalino gabdhaha sharaftooda, una koontoroolo dareenkooda galmo. Laakiin ka dib markaan arkey xanuunkii gabadheydu dareentay, ayaan ka xumaaday waxaan sameynay. Gudniinku waa caado waxyeello leh! Maxaan gabdhayahaga sidaa ugu xanuujinaynaa?» Waxaa jira caadooyin wanaagsan iyo kuwo xun. Caadooyinka qaarkood ayaa caafimaad ahaan dhaawac keena.waxaa muhiim ah in dumarka iyo nimankuba helaan macluumaad iyo aqoon ku saabsan caadooyinka waxyeellada leh. Dhibaatada oo si fiican loo fahmo, cilmi baaridna lagu sameeyo, lana kulmo dhaqamo iyo caadooyin kale ayey waxay lagama maarmaan ka dhigayaan in la bedelo caadooyinkii hore. 91. 92. 93. Maxaa lagama maarmaan ka dhigi kara in la bedelo caado? Ma suurtagal baa in caadooyinka la bedelo? Maxaa loo baahan yahay si caado loo bedelo? SIDE 25: Kjønnslemlestelse er skadelig Gudniinka dumarka waa waxyeelayn «Waagii hore wax su`aal ah kama soo jeedin jirin caadadaan. Waxaan iskula weynaa inaan u adkeystay xannuunka iyo ahaansheyga dumar. Waxaan moodayey in dumarka oo dhammi xannuun weyn ka soo gaaro xubinta taranka. Hadda waxaan ogahay in taasi run aheyn. Waxay igu sameeyeen markaan yaraa, waxay dhaawacday jirkeygii, naftaydana nabar aan weligiis bugsooneyn bay ku sameysay. Gabal aniga ah ayaa la gooyey.» Dhaawacyada imaan kara marka qalliinka la sameynayo: Dhiig bax badan (keeni kara in gabadhu u dhimato) infekshan (keeni karaa dhibaatooyin waaweyn) dhaawacyo jabid ah dhaawacyo laxaw keena 20

Dhaawacyada iyo dhibaatooyinka yimaada qalliinka ka dib: dhibaato joogta ah oo laga qabo xubinta taranka xannuun infekshan dhibaatooyin marka la dhalayo dhiigga caadada oo dheeraada, xannuunna badan waxaa ku adag kaadinta xannuun lagala kulmo galmada dhibaato lagala kulmo uureysiga dhibaato dhaqdhaqaaqida lagala kulmo dhibaatooyin xagga nafsiyada ah Dhaawacyada qaarkood dhaqaatiirta ayaa wax ka qaban kara, laakiin qaybihii jirka ee la gooyey, weligood wey maqnaanayaan. Dumarka loo geysta gudniinkaa, waxay u tegi karaan dhakhtar, umuliso ama isbitaal si wax loogaga qabto dhibaatooyinka xubinta taranka qaarkood. Waxaa muhiim ah in dumarka uurka lihi, waqti fiican ka hor dhalmada ay kala hadlaan gudiinkaa dhaqtar ama umuliso. Farhida waxay tiri: waa inaan fahamnaa sababta uu gudniinka gabdhuhu u yahay mid caafimaadka waxyeeleeya. Waxaan ku soo kornay in gudniinku ahaa qayb nolosha ah. Waxaan moodnaa inay caadi tahay, khatarna aysan laheyn. SIDE 26: Kjønnslemlestelse er forbudt Gudniinka gabdhuhu waa mamnuuc «Hooyadey iyo gabdhaha walaalahay ah ay iyugu yiraahda waa in la gudaa gabadhaada. Laakiin anigu ma doonayo inuu soo maro xannuunkii aan anigu soo maray. Gudniinka gabdhuhu waa ka mamnuuc Norway. Tan ayaa ii fududeyneysa inaan diido in gabadhayda la gudo, marka aan la hadlayo qoyskeyga dalkii hooyo jooga.» Bulshada Norway waxay ku dhisan tahay waxyaabo qiimo weyn u leh sida sinnanta iyo isku qiimo ahaanta ragga iyo haweenka. Taas macnaheeu wuxuu yahay in dumarku iyagu xaq u leeyihiin inay iyagu go`aansadaan wixii jirkooda ku saabsan. Gudniinka dumarku wuxuu ku xadgudbayaa fikradaha sinnaanta iyo isku qiimo ahaanta iyo axdiyada caalaamka. Gudniinka dumarku wuxuu mamnuuc ka yahay dalal badan, xataa waddamo caadada gudniinka dumarku ku baahsan tahay. Gudniinka dumarku waa xoog wax ku muquunin iyo dayac daryeel. Isticmaalka xoog wax ku muquunin waa mamnuuc. Sannadkii 1995 Norway waxay yeelatay sharci u gaar ah gudniinka dumarka. Sharcigu wuxuu qabanayaa dhammaam dadka deggan Norway. Sharcigii 15ka diseembar ee lambar 74 qodobka 1 wuxuu ku saabsan yahay in gudniinka dumarku yahay mamnuuc. Sharciga waxaa ku qoran waxyaabo ay ka mid yihiin: Waa mamnuuc in si rabitaan ah loo waxyeeleeyo xubnaha taranka ee gabdhaha ama dumarka. Waa mamnuuc in cid lagu kaalmeeyo ama fursad loo siiyo inay waxyeeleeyaan xubnaha taranka ee gabdhaha ama dumarka. Waa mamnuuc in gabar Norway dibedda looga saaro, si loogu waxyeeleeyo xubnaheeda taranka dalka dibeddiisa. In kasta oo ay gabadhu ama qofka dumarka ahi oggolaato in la gudo, haddana waa mamnuuc in la gudo. Ciqaabta sharcigaan oo lagu xadgudbo waa xabsi ilaa 8 sano. 21

Dhammaan kuwa shaqadooda awgeed ka shakiya in gabar la gudayo, waxaa ku waajib ah inay soo sheegaan. Hadaynan sidaas sameyn, waxaa lagu ciqaabayaa hal sano oo xabsi ah. Arrintani waxay khusaysaa oo kale wadaadada diinta. SIDE 27: Omskjæring av jenter er unødvendig Gudniinka gabdhuhu waa waxaan loo baahneyn 94. 95. Maxay sameeyaan si ay ugu sii wadaan caadada gudniinka gabdhaha dalalka looga dhaqmo gudniinka dumarka, iyo Norwayba. Maxaan sameyn karnaa si aan uga joojino caadada gudniinka gabdhaha dalalka looga dhaqmo gudniinka dumarka, iyo Norwayba? Dumar niman shaqaalaha caafimaadka/gudayaal hay adaha dawliga wadaaddada diinta 96. Ka wada hadla oraahyadan: SIDE 28: Waa muhiin in ragga iyo dumarkuba ka shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa caadada gudniinka dumarka. Kuwa iyagu ku dhaqma gudniinka gabdhahu waa in iyagu ka shaqeeyaan ka hortegidda caadadaan. Isbedelku waa inuu gudaha ka yimaadaa. Ma jiro waalid doonaya inuu ilmihiisa waxyeeleeyo. Ma jiro nin doonaya in naagtiisa uu dhib xanuun ihi hayo. Jirka dumarku wuxuu heer sare ku yahay sida loo abuuray. Lagama maarmaana ma aha in wax laga bedelo. Dumarka iyo ragga hela macluumaad ku saabsan sida uu khatarta u yahay, waxna u waxyeeleeyo gudniinka gabdhuhu, waxay rabaan in la joojiyo, oo ay dhammaato caadadani. Ugu hanjabidda ciqaab xabsi waxay waalid badan ka joojineysaa iney gabdhahooda gudaan. Ma jirto diin dooneysa in gabdhaha la gudo. Gudniinka gabdhuhu waa caado, ee diin ma aha. «Mabda`a aasaasi u ah sharciga islaamka ayaa wuxuu yahay in qofna sameyn wax keeni kara cudur, ama waxyeelaynaya caafimaadka. Waxaa nasiib darro ah inay jiraan dad badan oo aan arkin kala duwanaanta dhaqanka iyo diinta. Gudniinka dumarku waa arrin dhaqanka ku lug leh, ee ma aha arrin diimeed. Guddiga muslimiinta Norway (Islamsk Råd Norge) wuxuu aad isaga fogeeyey wax kasta oo ku taxaluqa gudniinka dumarka.». Senaid Kobilica, madaxa, Guddiga muslimiinta Norway (Islamsk Råd Norge.) 22

Nyttige internettadresser: Ciwaanno interneet oo anfac leh: www.atv-stiftelsen.no www.bufetat.no www.dixi.no www.kirkens-ressurssenter.no www.mirasenteret.no www.nkvts.no www.seif.no www.voldsoffererstatning.no www.krisesenter.com www.redcross.no www.udi.no www.ung.no www.tvangsekteskap.no Nyttige telefonnumre: Lambaro telefoon oo anfac leh: Alternativ til vold, Oslo-kontoret (beddelka xoog ku muquuninta, xafiiska Oslo) 22 40 11 10 Krisesentersekretariatet (xogheynta xarunta dhibbanaha) 23 01 03 41 Telefonen om tvangsekteskap og omskjæring (telefoonka gudniinka iyo guurka khasabka ah) 815 55 201 Støttetelefon for kriminalitetsofre (telefoon taageera dhibbanayaasha dembiyada) 800 40 008 23