Qashin-kala-soocid 2011

Like dokumenter
Da verdens land ble enige om å gjøre noe med miljøet. Jordas naturgrunnlag tåler ikke at hele verden har et forbruk som den vestlige verden.

Xaqiiqda Cagaarshowga noociisa A, B iyo C iyo sida aad uga hor tagayso in aad qaaddo

til de neste generasjoner. Den kulturen som formidles videre til de neste generasjoner kaller vı kulturarv.

Munnhygiene og kosthold. Norsk ጽሬት ኣፍን መግብን: Tigrinja. Nadaafada afka iyo cuntada. Somali

Arterie. endotelceller. elastin. glatt muskel. bindevev. epitelceller

NORSK SOOMAALI Gulrot Karooto/Daba-case

Warbixin kooban oo ku saabsan qallalka/suuxdimaha. Somali/Soomaali

Norsk - Somalisk / Noorweeji - Soomaali

JøHOOYøNKA Waqooyi Galbeed Bari koonfur

Sidee nolol wacan u noolaan kartaa adoo qaba macaan? Sidee isaga ilaalin kartaa macaanka? Af-soomaali / Somali

Somali/norsk Xaqiiqda Hiifka iyo aydhiska

Xuquuqaha dugsiga. Buug yar oo ah tilmaame ey soo diyaariyeen Dysleksi Norge DYSLEKSI. Waanu ku caawineynaa si aad jidka u hesho!

Carruurta iyo dhallinyarada ku hadasha luqooyinka laga tiro badan yahay ee wax ka dhigata dugsiyo ku yaalla waddamada ay waalidiintoodu ka soo jeedaan

Kartlegging av leseferdighet Trinn 2-3 på somali

Meitemarken. Meitmark. Virveldyr Virvelløse dyr

Eksamen FSP5882/PSP5554 Somali nivå I Elevar og privatistar / Elever og privatister. Nynorsk/Bokmål

SOMALI. Til nyankomne innvandrere som kan få permanent opphold i Norge

Wargelin waalidiinta ardayda laba luuqadoodlaha ah

Graviditet, fødsel og barseltid i Norge Uur, dhalmo iyo xilliga baxnaanada umusha ee Norway

Ord og begreper. Norsk Morsmål: Tegning (hvis aktuelt)


Her er noen ord du må forstå for å kunne lese dette heftet: Erayada muhiimka ah ee buuggaan yar

Luuqaddu waa muhiim ee si sax ah u baro!

Xannaanada carruurta. Warbixin ku socota dadka cusub oo dhowaan soo degay degmada Avesta. iyo carruurta da doodu tahay sannad ilaa 6 sano

Firfircoonow caafimaad dareen!

KU SOCOTA DADKA MAGANGELYO KA CODSADAY NORWAY. -Barashada sharciyada norwejiga. ASYLSØKERE I NORGE - Somalisk -

Magneten. En rett magnet kaller vi en stavmagnet. Spiss nål i kompass. En bøyd magnet kaller vi en hesteskomagnet. Magneter trekker til seg:

SOMALIA NORGE SOOMAALIYA NOORWEEY

HØYTIDER, HELLIGDAGER OG TRADISJONER I NORGE

New rules for entering into marriage outside Norway. Sharciyo cusub oo khuseeya dadka ku soo guursada dalka debeddiisa

NIDAAMKA HORDHACA AH. Soo dhowoow adiga billaabaya borogaraamka hordhaca ah! (introduksjonsprogram!)

bevegelsesenergi. All energi som kommer av at noe har en bestemt posisjon eller stilling er stillingsenergi.

Ordliste for TRINN 1 (utviklende matematikk-oppgavehefter 1A, 1B,2A, 2B, 3A og 3B, - refleksjonsord som kan hjelpe å forstå oppgaver).

Eksamen FSP5882/PSP5554 Somali nivå I Elevar og privatistar / Elever og privatister. Nynorsk/Bokmål

Versjon: somali. Ku soo dhowaada wadahadalki ugu horreeyay ee xannaanada carruuurta

Ku soo dhawow Dugsiga barbaarinta Karljohansvern!

Ordliste for TRINN 3

Somali CAAFIMAADKA CUNTADA

Xanuunka biyo-madax fadhiisadka iyo qalabka tuubada madaxa lagu rakibo

New rules for entering into marriage outside Norway. Sharciyo cusub oo khuseeya dadka ku soo guursada dalka debeddiisa

D B. ABC iyo DEF wey isku qaab. AB iyo DE wey isu dhigmaan BC iyo EF wey isu dhigmaan AC ve DF wey isu dhigmaan

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

SOMALI Informasjon til asylsøkere i Norge Warbixin ku socota magangelyo doonayaasha Norway

SOMALI. Til nyankomne innvandrere som kan få permanent opphold i Norge

CARUURTA QOY SASKA LUUQA DAHA BADAN KU HADLA. BUUGYAR OO WARBIXINEED Somali CARUURTA QOYSASKA LUUQADAHA BADAN KU HADLA

XAQIIQ KU SAABSAN SOONKA RAMADAANTA

Arrinta buug-yarahan. Oslo, 1. oktober 2006 PEDLEX Norsk Skoleinformasjon

Caalamka noolaha goryaan dhuleedka

Somaali/somali. Wa maxay macaanku?

Kartlegging av leseferdighet Somali versjon trinn. Akhris tijaabin. Fasalka 4-5. Magac... Dugsi/Iskuul Fasal...

Kartlegging av leseferdighet Trinn 4-5 på somali

Ku caafimaadqab gluten la aan

Uur miyaad leedahay? Miyaad filaysaa in aad cunug dhashid?

Kartleggingsmateriell. Kartlegging av skolefaglige ferdigheter hos nyankomne minoritetsspråklige ungdommer

Bli bedre i norsk. se forskjellene mellom norsk og somali

Diabetesopplæring til fremmedspråklige

De hviler nesten ikke. Men når vi hviler under dyna om natten, hviler øynene våre under øyelokkene før en ny dag med aktivitet.

Malafka waalidka ee ku saabsan canbaarta

Notater. Undersøkelse om stemmegivning blant personer med innvandringsbakgrunn. Maria Høstmark. Dokumentasjonsrapport.

Somali. UNGDOMSKONTORET XAFIISKA DHALINYARADA KIRKEGATA 2B KRONA Dabaqa 4aad UNGDOMSKONTORET. Xarumaha Madadaalada. Fritidsklubber

Kapittel 1 Førhistorien Cutubka 1-aad Taariikhdii hore. bronse/n: metall, se side 12 og 13. naxaas/ta: bir, eeg bogga 12 iyo 13

Al Imaamu Al Shaaficii اإلمام الشافعي Allaha raalli ka ahaadee

Qubayska. Waxaa dhigay. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Kildesortering Sorter avfall - skap verdier!

Norsk: Flyktninger Hjelper Flyktninger (FHF)

Ambulerende tospråklige lærere

Ny i Norge Utfordringer i møte med helsevesenet. Thor Indseth, Oslo,

JAANTUUS. Qaabka wax loo sawiro. Cinwaan Vunnet Tapt Uavgjort Tilmaamaha kan ugu weyn. Waa tiirka kor ugu haya jiheeyaha.

JAANTUUS. Qaabka wax loo sawiro. Cinwaan Vunnet Tapt Uavgjort Tilmaamaha kan ugu weyn. Waa tiirka kor ugu haya jiheeyaha.

JAANTUUS. Qaabka wax loo sawiro. Cinwaan Vunne Tapt Uavgjort Tilmaamaha kan ugu weyn. Waa tiirka kor ugu haya jiheeyaha.

Sluttrapport. Forebygging Informasjon til ikke-etniske nordmenn. Prosjektnummer 2013/FBM9235 Det er det indre som teller ( )

Ku soo dhawaw Midtre Gauldal!

Gluggen. Nr. 4/2008 Skule- og bygdeavis for Ulvik 35. årgang

Design & trykk: Hegland Trykkeri AS IE ISBN

Eksamen PSP5630 Oromo nivå III. Nynorsk/Bokmål

FELLES LEDELSESSYSTEM

GRØNNSAKER - VEGETABLES KROPPEN THE BODY FRUKT & BÆR FRUIT & BERRIES MÅLTIDER - MEALS

Økt biotilgjengelighet med vitamin D i olje1 Bedre etterlevelse ved ukesdosering2,3 Enkel å svelge Refusjon etter bestemte vilkår, se preparatomtale

Fra 31. oktober sorterer vi plastemballasje i Sandefjord. Her finner du alt du trenger å vite om den nye ordningen.

Kommunestyre- og fylkestingsvalget 2011

Maria Høstmark, Øyvin Kleven og Anne Vedø

helsesøstre Tidsskrift for Stille jenter blir modige jenter Selvtillitskurs: landsgruppen av helsesøstre nsf

vi gir deg mer tid FolloRen mer tid til å gjøre det du har lyst til! les mer og finn ut hvordan!

~ =.~~~~:!.~~::~.~o:~~:

Last ned Ka va det eg sa - Per Inge Torkelsen. Last ned. Last ned e-bok ny norsk Ka va det eg sa Gratis boken Pdf, ibook, Kindle, Txt, Doc, Mobi

IntroduksJQn (Springdans) Allegretto I - la. Tra-la-la-la, tra-la-la-la, tra-la-la-la - la. Tra - la. Ka-ri og Ma-ri, kom snsgg dokk sta.

TID TIL DET DU HAR LYST TIL! Enkel sorteringsløsning med nye renovasjonsbeholdere. FolloRen

Fra 31. oktober sorterer vi plastemballasje i Sandefjord. Her finner du alt du trenger å vite om den nye ordningen.

Leveringsadresse Postnr/Sted Merknad Termmalen Heimdal Levert vekt Hermdal. Varenr. Beskrivelse Dekl. Nr. Kvantum Pris Mva-sats Eks.

Maria Høstmark, Øyvin Kleven og Anne Vedø Lokalvalgsundersøkelse blant innvandrere og norskfødte med innvandrarforeldre 2007 Dokumentasjonsrapport

Hentekalender I dette heftet finner du informasjon om renovasjonstjenester og hentedager for husholdningsavfall i Bærum

1 Vår onn med nye mu lig he ter. Ver di ska ping på vest lands byg de ne ba sert på res sur ser og opp le vel ser

Informasjon om felles avfallsordning for borettslag, sameier, velforeninger og lignende. Innsamling av plastemballasje

Besvarelser for Brukerundersøkelse for brukere av Oslo Deichman

Elgregionråd Øst - Felte av sett dyr

Last ned Si fudud u baro af-noorwiijiga - Ahmed Ali Madar. Last ned

Det beste ved løsningen er det du ikke ser. Nedgravde løsninger for avfallshåndtering

Prłveversjon. Norsk Byggtjeneste AS LOGGBOKA. Kjøp og salg av boligen

úø ø úø ø wø ø ø ø ø ø ø ø ø ú ø ú øî ø ø ú ø ø ú ø Î Î ø wø ø ø ø ø ø ø ø ø ø ú ø nø øl ø J ú úl ø Kom, tro, og kom, glæde

Fra: Sendt: fredag, 20. februar :11

Transkript:

Qashin-kala-soocid 2011 Kala-sooc qashinka - abuur hanti! Somali

Nagala soo qaybgal mashruucayaga-deegaanka weyn ee deegaan-hoosaadka Diyaar ma u tahay ka qaybgalka Mashruuca-deegaanka weyn ee deegaan-hoosaadka? Diyaar baan ahay anigu. Waxaan ku faraxsanay inaan bilaabo iyo anigoo la raba dhammaan dadka Asker ila deggan nasiib wacan! Waa inaan qirtaa. Waxaan ku fooganahay inaan wax ratibo oo kala sooco. Waxaan kala-soocaa waraaqaha, caagga, dharka, baatariyada la isticmaalay iyo kartoonada madhan ee caanaha. Haddana diyaar baan u ahay inaan u tafa-xayto qashinka-cuntada! Sannadkan gudihiisa dhammaan dadka deggen Asker waxa la siinayaa haamo-dibaddeed cusub, iyo waliba anagoo bilaabayna qashin-cunto kala-sooca. Waxaanu qaybinaynaa qoraal sida loo kala-soocayo, salladqashin-cunto iyo baco-dabeeciya oo la isticmaalayo, ugu dabayntiina waynu bilaabaynaa. Kala-sooc qashinka abuur hanti, waa hal-kudhegga degmada ee mashruucan. Waan jecelahay! Way qiimo badan tahay in loo isticmaalo khayraadka sida ugu wanaagsan, waxaanaynu kaga qaybqaadanaynaa kijada. Si kaloo ka fudud noqon mayso. Iyo waliba haddii aynu u soo jeedsanno waxaynu isticmaalayno iyo waxaynu tuurayno, iyana waa abaal dheeraada. Way anfacaysaa. Waraaqaha aynu isticmaalnay haddana waraaqo ayay noqonayaan. Caaggu tusaale ahaan wuxuu noqon karaa falaas-cabitaan. Cuntada aynu tuurno waxay noqon kartaa gaasta-dabiiciga, si ay basasku uga dhigtaan shidaal, iyo nafaqo dheeraad ah oo ay siiso takaariyada beeraha aad ku aragto tuulooyinkeenna. Wax badan oo adduunka ka jira ayaynaan waxba ka qaban karin, halkanse waxa inoo bannaan fursad aynu wax wanaagsan ugu qaban karno deegaanka inagu hareeraysan. Waxaan adiga iyo anigu aan ka qabanno guryaha waxay samaynayaan farqi! Diyaar ma u tahay inaad ka qayb qaadato mashruucadeegaanka weyn ee deegaan-hoosaadka? Diyaar baan u ahay. Waxaan ku faraxsanay inaan bilaabo waxaanan la rabaa dhammaan dadka Asker ila deggen nasiib wacan! Hilde Hummelvoll Deggen degmada Asker Xidhiidhka-warbixinta Adeegga-guud (Servicetorget): 66 90 90 90 Xafiiska-dhexe: 66 90 90 00 Qaybta farsamada degmada: 66 90 90 04. kildesortering@asker.kommune.no Degmada Asker, Waaxda farsamada-degmada, Fusdalbråten 4, 1387 Asker Waxaa kaloo aad isticmaali kartaa arji-internetka si aad u ballansatid ama u bedeshid macmiilka-nadaafadda. Eeg bogga internetka degmada halka ay ku taalo Selvbetjening (isu-adeegu). Halkaas waxaa la dhigay arji-internet oo aad ku ballansatid/ku bedeshid haamaha-qashinka ee ganacsatada. Qoraalkan waxaa loo turjumay af-ingiriisi, af-poland iyo af-soomaali.

Sannadkan gudihiisa waxaad helaysaa haamaha-dibedda ee qashinka cuntada, waraaqaha/karaatoonada/kartoonadacabitaanka iyo hadhaaga-qashinka Sannadkan gudihiisa waxaanu ku bedelaynaa kiishka-weyn ee qashinka ee madow iyo kiishkawaraaqda ah ee midabka-liin-macaanta leh kuwo cusub, haamo-dibedeed oo fudud oo caag ah. Tani waxay kuu fududaynaysaa inaad kala-soocdid oo aad kala hagaajisid qashinka dibedda. Midabka daboolka ayaa kuu tilmaamaya nooca qashinka ee lagu ridayo haamaha kala geddisan. Qashin-cunto Baakocaag Hadhaaqashin Waqraaq/kartoon/kartooncabitaan daboolka-bunniga daboolka-cagaaran = Qashin-cuntada = Waraaqo/kartoon iyo/ kartoon-cabitaan daboolka dameeriga ah = Hadhaaga-qashinka daboolka buluuga ah = Baakadaha caaga ee 5 guri ama in ka badan. Xalka wada shaqaynta intaa ka yar iyo guryaha kelida ahi waxay sii wadayaan bacihii caddaa sidoodii hore. Reinholdt iyo haamaha-dibedda ee cusub Haamaha cusubi waxay leeyihiin faa iido badan: Haamuhu waxay celinayaan xayawaanka yaryar iyo xayawaanka kaleba. Haan la laydhiyay oo qashinka-cuntada ah oo urta ka hortagaysa. Si kastaba ha ahaatee waa inaad haanta dhawr jeer dhaqdid inta waqtiga-xagaaga, amaba haddii loo baahdo. Waxaad si fudud u isticmaali kartaa tuubada-beerta. Taayir ka dhigaya hanta inaad si fudud u kaxaysid. lyadoo la joojinayo bacdii-madoobayd ee qashinka. Bacaha hadhaaga-cuntada iyo bacaha-dabiiciga ah ee qashinka-cuntada waa la isku xidhayaa oo waxaa toos loogu ridayaa haanta-dibedda. Way fududahay in haanta qiyaasteeda la bedelo haddii aad u baahan tahay xaddi kele. Qaab-shaqeedka qashin-qaadaha oo wanaagsanaada iyadoo nabarrada gaadhaa ay yaraadaan iyo culayska la qaadayoba. Iyadoo ay u sii fiicnaanayso xagga deegaanka oo 14kii cishaba mar la qaadayo qashinada: cuntada iyo hadhaagaba taasoo keenaysa in la yareeyo qaaditaankooda. Haamaha waxa lagu calaamadinayaa raad (brikke) elektorooni ah oo hubaal ka dhiga in la faaruqiyo waqtiga saxa ah. Waraaqaha iyo kartoonada waxa si fiican la isugu geyn karaa haan halkii bac lagu ridi lahaa. Xusuuso markaad qashin-kala-sooc aad samaynaysid waxaa u soo baxaya boos haanta-hadhaaga-qashinka! 3

Si u fiican deegaanka oo qashinka loo qaado Marka lagu daro baabuurta-qashinka oo ku socota gaasta-dabiiciga ah, waxa nidaam cusub ah in la qaado qashinka cutada iyo hadhaaga-qashinka 14kii cishaba mar meesha ay afar ama in ka yari macmiil yihiin. Sidaas waxaanu uga tudhaynaa deegaanka wasakhaynta, buuqa iyo gaadiid-badnida. Xal wadajira oo shan ama in ka badani waxay helayaan in wiig kasta laga qaado qashinka-cuntada iyo hadhaaga-qashinkaba. Iyadoo la eegayo deegaanka xalalka wadajirku waxay faa iido u yeelanayaan iyadoo ay yaraanayso goobaha laga qaadayo (qashinku). Shirkadda Modus arbeidstrening ayaa kuu keenaysa haamaha Arbeid, Fritid og Avlastning (Shaqo, Firaaqada iyo Ka-hayntu) waa deeq degmo oo bixisa shaqo-carbis ama shaqo-barasho dadka sababo kala geddisan u raba. Xarunta-shaqo ee Drengsrud iyo Daleløkken way rakibayaan, Modus-na waay qabinayaan 41 000 oo haamood iyo salladihii qashinka cuntada oo ay ku jirto bacaha-dabiiciga ahi ee dadka deggen Asker. Modus waxay urrurinaysaa hayayaasha-bacaha ee gaboobay cidii rabta in laga qaado. soo-jeedin ciddii rabta wax sidaas ah. Sawirro faahfaahsan iyo wax badan oo ku saabsan arrintan waxaad ka akhriyi kartaa bogga netka degmada www. asker.kommune.no/kildesortering. Qashin-qaad elektarooni ah Haan kasta waxaa lagu xidhayaa raad-elektarooni ah (brikke) iyo calaamad lagu dhajiyo oo leh summadaxariiqyada ee sirta ah taas oo ay tahay INAAN laga fujin. Raad-elektarooniga waxaa la yidhaahdaa RFID (Radio frequence identification). Raadka(brikken) waa la akhriyayaa marka haantaada laga shubo qashinka, si fudud ayaanu ula soconaynaa waxa markii loogu talogalay la qaaday. Markaa haddii aan la qaadin waxa qashin-qaaduhu uu helayaa digniin uu ka arkaayo shaashadda ku rakiban gaadhiga. Nidaamka (RFID) wuxuu u fududaynayaa qashin-qaadaha inuu helo haanta. Haddii aad bedesho halka ay haamahaaga-dibeddu yaaleen way adkaanaysaa in la helo, waxaa muhiim ah inaanu helno fariin. Raadka-RFID kuma jiraan wax war ah oo ku saabsan cidda leh, keliya lambar gaara oo ku xidhiiidhinaya haanta nidaamka qashin-qaadidda. Rakibaada waxaa loo samaynayaa marba in waxaana laga shaqaysiinayaa dhammaantood sannadkan gudihiisa. Xal qarinta haamaha dibedda Nashqadeeye ayaa degmaada Asker ku hawlgelisay inuu soo diyaariyo xalal lagu qarinayo haamaha dibedda. Tani maaha wax la iska rabo, laakiin waa Sahal-u-gelidda xagaaga iyo jiilaalkaba Si qashin-qaaduhu hore ugu riixo haanta gaadhiga-qashinka si uu ugu shubo (qashinka) waxaa muhiim ah in sagxadda iyo agagaarka halkay haantu taalo la hagaajiyo. Halka ay ku habboon tahay waa in la dhigo haanta iyadoo gacanka la qabanayo uu dibedda soo jiro. Haddii dhiri ku wareegsan tahay haanta, fadlan dayactir. Jiilaalka wadada haanta loo maro ha ahaato mid laga hagaajiyay baraf oo quruurux (jay) lagu shubay. Waad ku mahadsan tihiin caawimada! 4

Maxay u soo rogaysaa degmada Asker kala soocidda qashinka-cuntada? Si uun ama qaab kale ayaynu dhammaanteed u qabanaa maalin kasta qashinka. Marka qashin samaysmo ilaa marka dib looga dhigayo alaab cusub, dhammaanteen waxaynu ku leenahay dawr. Waxaynu nahay dad badan oo ay tahay inay wada-shaqeeyaan si khayraadka qashinku u noqdo mid sidii ugu habboonayd looga faa iidaysto. Qashinka-cuntada waxaa loo diraa in la gubo si dib-looga-dhaliyo tamar iyadoo lagu daray hadhaaga-qashinka, balse waxay ka kooban tahay qiyaastii 70% biyo oo aan u fiicnayn in la gubo. Siday tahayna si fiican ugama faa iidaysan karno nafaqada walxaha ku jira qashinka-cuntada. Markaa sababtaa awgeed waxa faa iido badan in laga soo saaro gaasta-dabiiciga ah oo tamar laga dhigayo iyadoo la qudhminayo halkii laga gubi lahaa. Waxaa intaa raaca iyadoo laga helayo hadhaa qiimo leh, oo loogu yeedho hadhaa-dabiici, oo noqonaya bacrimiyayaal kala duwan. Habkan cusubi wuxuu ina siinayaa fursad aynu ugu dhawaano habka waxa iyo inta aynu tuurayno iyo inagoo rajayna sababtaa awgeed inaynu kor u qaado baraarugga taas oo sababta in aynaan tuurin wax si fiican loo isticmaali karo, cunto la cuni karo iyo wixii la mida si fudud sidii markii hore la yeeli jiray. Tani markeeda waxay keenaysaa isticmaal yari, taasoo u fiican in la daryeelo khayraadka dhulka. Ma ogtahay Baadhitaan ayaa sheegay kala badh waxa aynu ku ridno bacda madow ee qashinku inuu yahay cunto. Boqolkiiba 25 cuntada aynu iibsanno inaynu tuurno. Qof kastoo Asker degaa inuu soo saaro qashin-guri ku dhow 440 kg sannadkii. Waa in ka badan 20 kg celceliska-wadanka. Mid kastoo inaga midi wuxuu kala-soocaa: 74 kg oo waraaqo ah 28 kg oo quraarad iyo bir ah 6 kg oo baakado-caaga Tixraaca xisaabintan waxay isugaynta qashinka ee Asker samaynaysaa gaas-dabiici oo 8-10 gaadhi-qashin sannadkii Gaas-dabiici shidaal ahaani waxay ina siinaysaa hawo nadiif ah, buuq yari wax saamayn ah kuma laha cimilada. Ujeedooyinku waa Sida ugu fiican in looga faa iidaysto khayraadka. In si fiican loogu oggaado inta qofku qashin uu soo saaro. In la yareeyo qashin-soo-saaridda gurigiiba in ka hoosaysa celceliska-wadanka sannadka 2015. Ugu yaraan boqolkiiba 65 qashinka-guryaha in la kala-sooco iyo in dib-loo-warshadeeyo. Inta soo hadha boqolkiiba 3 oo keliya ayaa la gayn godka. Inta kale oo dhan waxa dib looga dhigi tamar! Qashin-kala-sooca 2011 - mashruuc-deegaan oo wayn ee deegaan-hoosaad! 5

Xalalka-qashin-kala-sooca gudaha Waxa jira xalal badan oo fiican oo jaban oo qashinkala-sooca guriga. Si ay u fududaato waa muhiim inaad xal u hesho ku habboon adiga iyo gurigaba. Sanduuq-kaydiye waa fiican yahay in loo isticmaalo wixii qalalan ee boos weyn raba sida qashinka waraaqaha/kartoonka, dhalooyinka- iyo baakadahabirta iyo caagadaha rahmaada. Isticmaal waxaad hore guriga ugu haystid: sallado, jalxado, haan, khaanad-kabo, katabaan iyo wixii la mida. Baaldi caadi ah waa la isticmaali karaa. Xalalka qaar waa in aad sudho albaabka-khaanada. Xalalka qaar waxay leeyihiin marin loo rakibo si aad u jiidid haanta gudo iyo dibedba si fudud. Haddii aad qorshaynaysid kijo cusub waxaad qiimayn kartaa qaab loogu talogalay khaanadaha kijada ama miiska kijada oo hoos loo dhigay. Fiirso in salladda-qashinka-cuntadu ay habboon tahay inay hawo hesho haddii aad rabto inaad isticmaasho mid aan ahayn tii lagu siiyay. Tusaalayaal dhawra iyo kuwa iibiya xal noocyo kala duwan waxaad ka helaysaa boggayagan netka www.asker.kommune.no/ kildesorteting Dadaal u samee deegaan wanaagsan maalin kasta! 6

Diyaargarowgii ugu danbeeyay - waxaanu u baahan nahay caawimadaada Calaamad-dhajis Qoraalkan waxa la socda oo lagu siiyay laba calaamad-dhajis. Labada calaamadoodba waxa lagu dhajinayaa daboolka kiish-hayihii hore. Haddii aad u baahan tahay calaamad-dhajis kale, la soo xidhiidh Servicetorget. Dette sekkestativet tilhører følgende adresse: Calaamada mid ahaan waxaad ku qoraysaa cinwaanka-guriga waxaanad ku dhajin daboolka. Tani caawimo fiican ayay noo tahay marka haamaha cusub la dhigayo. Xusuuso in si cad loo garto lambarka gurigu inay muhiim u tahay arrintan. Dette klistremerket skal settes på det gamle sekkestativet. Dette er en god hjelp for oss når vi skal plassere ut de nye beholderne. Ja takk! Vi ønsker at dette sekkestativet skal samles inn av Asker kommune Dette klistremerket settes på det gamle sekkestativet eller beholderen kun hvis du ønsker at vi tar det med for deg. Calaamadda kale waxaad ku dhajinaysaa daboolka, keliya haddii aad rabto in degmadu kaa qaado hayaha (stativet). Urrurinta kiish-hayayaasha hore Hayaha adigaa iska leh, laakiin haddii aad rabto in Modus kaa qaado hayaha-kiishashka, waxaad ku dhajinaysaa calaamad-dhejiska ay ku qoran tahay Vi ønsker at dette sekkestativet skal samles inn av Asker kommune. ( Waxaanu rabnaa in hayaha-kiishkan ay urruriso degmada Asker ). Qaadida qashinka ee bacaha madow waa la joojinayaa marka nidaamka-qashin-kala-soocu cusubi bilaabmo. Miyaad qashin ku haysaa bacda madow markii hayayaashii hore la urruriyay? Waxaanu ku wareejinaynaa haan cusub oo xal kala-guur ah ilaa marka la gaadhayo qashin-qaadida ugu horraysa ee nidaamka cusub. Ka dib markaad hesho haamaha cusub, waxaa la qaadayaa kiish-hayayaasha ee hore marba intii calaamad-dhejiska samaysa. Dhig qalabka la qaadayo xagga hore si ay u fududaato in si dhib yar loo helo. Adeegani wuxuu quseeyaa meesha la dhigo haamaha-qashinka iyo dhammaan noocyadii hore ee kiish-hayayaasha iyo haamaha, maaha keliya noocan sawirka-sharaxaada. Kiish-hayayaasha la urruriyo waxaa loo dirayaa dib-u-warshadayn. Qalab-bilow - waxaanu kaa caawinaynaa bilowga Dhammaan guryaha waxa la siinayaa qalab-bilow oo wata warbixin fududayd ka dhigta in la bilaabo qashin-kala-sooca. Qalab-bilowga waxaad helaysaa marka haamahadibedda la keeno halkaad degen tahay. Waxaana la dhigayaa albaabkaaga hortiisa. Ku ballami jaarkaaga inuu kuu qaado haddii aanad guriga joogin. Ja takk! Vi ønsker at dette sekkestativet skal samles inn av Asker kommune Dette klistremerket settes på det gamle sekkestativet eller beholderen kun hvis du ønsker at vi tar det med for deg. Qalab-bilowgu wuxuu ka kooban yahay: Sallad-qashin-cunto (7 litir) Laba duub oo min 80 baco-dabiici ah (8 litir), una dhiganta qiyaastii in sannad la isticmaalo. Kuwan waxa laga sameeyay dheecaan-gallay taasoo ah walax baaba da. Qoraal ku saabsan kala-soocidda. Calaamad-dhajis oo lagu calaamadinayo haamaha-qashinka ee gudaha. Jadwal cusub oo 14kii cishaba mar la qaadayo qashinka cuntada iyo hadhaagaba. Sidan ayaad u helaysaa bacaha-dabiiciga Markay yar tahay xalka wada shaqayntu iyo guryaha kelida ah waxa la siinayaa bacaha-dabiiciga sannadkiiba mar. Haddiiba ay bacuhu kaa dhammaadaan, waa lagu siin kuwo kale adigoo ku guntaaya bac-dabiici ah haantaadaqashinka. Qashin-qaadaha ayaa markaa kuu dhigaaaya duub cusub. Haddii aad xal la wadaagto shan qof ama in ka badan, bacaha-dabiiciga ah waxaad ka soo qaadan Adeega-guud ama dukaamada-cuntada qaarkood. Bogga netka degmada waxaad ka helaysaa liisto dukaamada ay khusayso. Waxaa kaloo aad la xidhiidhi kartaa Adeega-guud wixii warbixin ah ee ku saabsan arrintan. Fiiro gaara! Bacaha-dabiicigu waa wax bisil waxay ku habboon yihiin sallad la laydhiyay iyo haan-dibedeed hawo la siiyay. 7

8 Xal wadajira Haddii aad deggen tahay borettslag ama goob guryuhu isu dhow yihiin xalka wadajirka ayaa sida caadiga ah la door bidaa. Kharashka si isleeg ayaa loo qaybsadaa; Degmadu ma eegayso qofkee ayaa inta badan/yar soo tuuray xalka noocaas oo kale ah. Guud ahaan kharash-bilicdu wuxuu noqonayaa mid hooseeya marka loo eego guri keliya. Xalalka jira ee wadajirku waxay u baahan yihiin oo keliya inay si ujeeddo leh u yareeyaan xaddiga hadhaaga-qashinka sababtoo ah qashinka-cuntada waa laga soocayaa hadda. Xal dhul-ku-aasid Borettslag-yo (guryo-wadaag) badan iyo wadaleyda (sameier) ee Asker waxaay go aansadeen inay sameeyaan dhul-la-qodo oo dhex u ah oo qashinka la dhigo. Guud ahaan qaabkan meel-hoose-wax-kuurrurintu wuxuu kaa rabaa dhul yar marka loo eego sida caadiga ah ee haamaha loo qorsheeyo. Waxay ku habboon tahay borettslag-ga ama wada-leyda halkaas oo dhulku yar yahay dhismayaashuna isu dhaw yihiin. Xalka dhul-ku-aasidda waxaa la qaadaa qashinka-cuntada iyo hadhaaga-qashinkaba toddobaad kasta. Macmiil-xagaa Kuwa u baahan nadaafadda bilaha xagaaga waxaanu u haynaa wax aanu ugu yeedhno macmiil-xagaa. Waxayna qusaysaa xilliyada 15ka april ilaa 15ka oktobar. Kharashka-bilicdu wuxuu noqonayaa kala badh, lacagta joogtada ah iyo ta isbedeshaba ee lagu xisaabiyo xaddiga (qashinka). Ka akhri warar dheeraad ah oo ku saabsan kharashka-nadaafada bogga ugu danbeeya. Faras-magaalka Asker Sababo la xidhiidha boos yaraan faras-magaalaha Asker waxa qashinka halkaas laga qaadayaa saddex cisho toddobaadkiiba. Markaa dadka deggen farasmagaaluhu waxay ku xisaabtami doonaan haanmuggeedu intaa lagu qiyaaso. Kharashka waxa lagu xisaabinayaa inta hadhaa-qashin ee toddobaadkiiba, taasoo ah 3 x haanta-muggeeda. Bilicda-jasiiradda Waxaa loo sameeyay hab gaara bilicda-jasiirada. Cidda ay khusayso tani boostada ayay waraaq ka heli doonaan. Eeg sidoo kale degmada boggeeda netka. Macaamiil-ganacsato Ganacsatadu waxay heshiis la geli karaan degmada Asker, kaas oo ku saabsan urrurinta qashinka haddii uu qashinku yahay mid ka kooban oo ku habboon degmada Asker qorsha-qaadidda ee qashinka guryaha. Eeg bogga netka ee degmada wixii war ee dheeraad ah. Hab cusub - Sharci cusub Markaad bilaabaysid qashin-kala-sooca qashinka-cuntada, maalinta lagaa qaadayaa waxay noqonaysaa mid la mida sidii hore, laakiinse ah qaadis 14kii cishaba qashinkacuntada iyo hadhaaga-qashinka xalka wadajirka tirada yar iyo guryaha kelida. Qashinka-cuntada iyo hadhaaga-qashinka waxa la qaadayaa 14kii cishoba mar kuwa deggen guryo xal wadajirka yar iyo guryaha kelidooda ee haamaha 2-da taayir leh. Xalka wadajirka ee haamaha 4-ta taayir leh ee hadhaaga-qashinka waxa la qaadayaa toddobaadkiiba mar. Hadhaaga-qashinkaagu haddii uu yar yahay, waxaad naga codsan kartaa inaanu 4-tii toddobaadba mar qaadno. Qashinka-cuntada isaga mar kasta 14-kii cishaba mar baa la qaadayaa. Inta ugu badan ee la riixi karo haanta 2-taayirlaydu waa 10 mitir, iyo 5 mitir oo ah haanta 4-taayirlayda. Isla mar ahaantaa waa la dhigi karaa haanta 2-taayirlayda ilaa 30 mitir in u jirta halka uu istaagayo gaadhiga-qashinku iyadoo la bixinayo kharash dheeraad ah. Arrintan waa in degmada loo sheegaa. Haddii aad sheegtay markii aad dooranaysay haanta xilligii-dayrta, uma baahnid inaad mar kale sheegto. Haamaha waxa la dhigayaa cinwaanka la gudbiyay. Haddii aanad cinwaanka gudbin, waxaa la dhigayaa halka ay yaalaan kiish-hayayaashii hore ee hadda yaala. Haamaha waxa la dhigayaa meel si fiican looga arko, sagxadda iyo harreeraha halka ay yaalaan waa inay hagaagsanaato si qashin-qaaduhu uu hore ugu riixo haanta dhinaca gaadhiga-qashinka xagaa iyo jiilaalba. Maanta laba macmiil miyaad leedahay, waxaad helaysaa laba haamood si atomaatik ah oo loogu talogalay xalka caadiga ah haddii aanad wax kale ballansan. Macmiil keliya haddii aad leedahay, laba bacoodna aad maanta haysatid, waxaad helaysaa hal bushqad oo keli ah oo wata haan loogu talogalay xalka caadiga ah haddii aanad wax kale adigu ballansan. Weli waa suurtogal in la dhigto baco buluug ah oo dheeraad haddii mararka qaar ay kugu bataan hadhaaga-qashinku. Kiishashka waxaad ka iibsanaysaa Servicetorget, Shellstasjon-nada ama Yggeset avfallspark (rugta-qashinka). Ma u baahan tahay dhawr sallad-qashin-cunto iyo baco-dabiici, tusaale ahaan dadka guriga aad ka kiraysay, waxaad ka soo qaadanaysaa Servicetorget.

Goorma ayay kuu bilaabmaysaa adiga? Fidinta qashin-kala-sooca wadata gooni-u-saarka qashinka-cuntadu wuxuu kuu bilaabmayaa isla marka aad hesho haamaha cusub. Taas oo loo qaybinaayo aag-aag, qorshaha loogu talogalayna waa sidan: Gu ga Aagga 1aad Xilliyada laga bilaabo badhtamaha maarso ilaa badhtamaha maay Xagaa Aagga 2aad Xilliyada laga bilaabo badhtamaha juun ilaa badhtamaha ogost Dayrta Aagga 3aad Xilliyada sebtember iyo oktoobar. Aagga uu ku yaal cinwaankaagu waxaad ka helaysaa jadwalka-qashin-qaadka ee la soo diray dayrtii 2010ka, haddii kale eeg bogga netka. Qaybinta haamuhu way ka leexan kartaa qorshihii loogu talogalay. Uma baahnid inaad wax kale samaysid haddiiba ay dhacdo aan ka ahayn inaad sii wado nidaamkii hore ee kiish-qashinka sidii hore. Sida ugu dhakhsaha badan u soo sheeg haddii aad rabtid haan aan ahayn mugga caadiga ah, ama haddii aad wax ka bedelayso dalabkaagii hore. Waxaad samayn kartaa sidan adigoo adeegsanaya arjiga-netka ee Isu-adeegga Selvbetjening ee bogga netka degmada, ama inaad la xidhiidho Servicetorget. Xalka caadiga ah waxa la siin guri kasta saddex haa mood: Mid 140 litir oo cuntada ah Mid 140 litir oo hadhaaga ah Mid 240 litir oo waraaqaha/kartoonada/ kartoonada-cabitaanka ah Kiishka-caaga oo lagu rido baakadaha caaga ah sidii hore ayaa loo isticmaalayaa Haddiiba la arko in haan yar lagu siiyay, fadlan warka sii Adeegga-guud sida ugu dhakhsaha badan. Waanu saxaynaa markaa sida ugu dhakhsaha badan ee aanu u haleelno. 9

Sideed samaysaa? Nidaamka cusubi wuxuu kuu bilaabmayaa adiga marka aad hesho haamaha-dibedda ee cusub. Inta la gaadhayo taas, waxaad u sii wadi sidii hore. Sidan ayaa qashinka loo kala-soocay, loo urruriyay oo loo habeeyay. Markaynu qashin-kala-soocayno waxaynu samaynaa inaynu haysanno khayraadka oo aynu dib u isticmaalno oo aynu xaddidno baahida alaabta caydhin ee cusub. Qashinka-cuntada waxa lagu ridayaa baco-dabiici ah. Waxa lagu siin sallad-qashin-cunto iyo baco-dabiici ah oo gudaha aad ku isticmaasho. Bacda-dabiiciga ah waxa lagu ridayaa haanta-dibedda ee leh daboolka BUNNIGA ah iyo calaamadda qashinka-cuntada. Qashinka inta soo hadhay waxaad ku ridi bacdacaadiga ah sida dadka intiisa badanba ay maanta ugu ridaan. Bacaha hadhaaga-qashinka waxa lagu ridayaa haanta-dibedda ee leh daboolka DAMEERIGA ah iyo calaamada hadhaaga-qashinka. Xusuuso inaad gunnudo bacda intaanad ku ridin haanta-dibedda! Hadhaaqashin Qashincunto Baakocaag Qashin-qaade 2-khan leh: Marka la urrurinayo waxa bacaha qashinka cuntada iyo hadhaagaqashinka lagu ridayaa isku gaadhi, lakiin mid walba khan gooni ah. Waraaqaha iyo kartoonada si toos ah ugu rid hantadibedda ee leh daboolka CAGAARAN iyo calaamadda waraaqaha. Kartoonada-cabitaanka dhaqdhaq, kala bixi oo isku-gudo-rid ka hor intaanad ku ridin bacda ku jirta hanta dibedda. Xaddi yar oo baakado-kartoona oo la kala bixiyay waa la dhinac dhigi karaa hanta. Baakadaha-caaga waa lagu ridi karaa bacaha caadiga ah, nidaamka bacda muuq-ma-qarisadu sidii hore ayuu u soconayaa. Duub-baco ah waxa lagu siin sannadkiiba hal mar. Haddii aad ka tirsan tahay koox weyn oo wadashaqaysa, waxa suurtogal ah inaad haysataan ama laydin siiyo haan-dibeddeed oo lagu rido bacaha. Bacda waxa lagu ridayaa hanta-dibedda ee leh daboolka BULUUKIGA ah iyo calaamadda baakadahacaaga. Waqraaq/ kartoon/kartooncabitaan Qashin-qaade 2-khan leh: Marka la urrurinayo waxa kiishashka ay ku jiraan baakadaha-caaga ah iyo haamaha-waraaqaha qaadaya isku gaadhi, laakiin mid walba khan gooni ah. 10

Qashinka-cuntada iyo hadhaaga-qashinka waxa la qaadayaa 14kii cishaba mar waana xalka caadiga ah. Xalka wadajirka waxa la qaadayaa toddobaadkiiba mar. Hadhaaga-qashinku hadduu yar yahay waxaad weydiisan kartaa in 4tii toddobaadba mar la qaado. Waraaqaha/kartoonada/kartoonada-cabitaanka iyo baakadaha-caaga waxa la qaadayaa 3dii toddobaadba mar. Jadwalka-qaadidda ee leh taariikhda-qaadidda ee noocyada qashinka kala duwan waxa mar lala qaybinayaa haamaha. Qashinka-cuntada waa loo qaadi si dib looga soo saaro gaas-dabiici ah oo tamar laga dhigo iyo bacrimin-dabiiciya. Hadhaaga-qashinka waa la gubayaa, tamartana waxa looga faa iidaysanayaa laydh iyo kulayl-soo-saaris. Qayb weyn oo ka mida kartoonada-cabitaanka dib ayaa loo warshadaynayaa lagana dhigayaa kartoono. Waraaqaha iyo kartoonada waxa dib loogu warshadaynayaa in laga dhigo waraaqo kale, sida baakadaha-kartoonka iyo masaxaad-/ waraaqaha-musqusha. Kartoonada-caaga dib baa loo kala-soocaa oo loo warshadeeyaa iyadoo la eegayo nooca caaga iyo intuu le eg yahay, markaa caaga ayaa alaab dib loo warshadeeyay laga sameeyaa sidii alaab-caydhin oo laga sameeyaa badeeco-caag ah oo cusub sida mijo-roorka(biyo-shubka), haamaha-qashinka iyo wixii la mida. Haamaha-dibedda iyo salladda-qashinka-cuntada ee ku jira nidaamkan cusub labadaba waxa laga sameeyay caag dib-loo-soo-celiyay. 11

Sidan ayaad u xisaabin kartaa kharashkaguud ee bilicda ee nidaamka cusub Hadhaaga-qashinku waa inta soo hadha marka dhammaan wixii dib-loo-warshadayn karo ee qashin ah la sooco. Kharashka nidaamka cusub waxa loo habeeyay si ay isu bixiso in xariif lagu noqdo qashin-kala-sooca. Yaraynta xaddiga hadhaaga-qashinku waxay keenaysaa in kharashka guud uu noqdo mid hooseeya. Kharashka waxa loo qaybiyay qiime-joogto ah iyo qiime-isbedesha. Qiime-joogtada ah, kr. 1335 lana socoto cashuurta dheeraadka ah, waxay hubaal ka dhigaysaa in dhammaan macaamiishu ay wada bixiyaan in ka mida kharashka lagu wado bilicda Asker. Qiime-isbedela waxa la xisaabin mugga iyo xalka ee hadhaaga-qashinka. Qiimaha litirka ee haanta 2-taayirlaydu waa kr. 14,29 lana socoto cashuurta dheeraadka ahi. Qiimaha litirka ee haanta 4-taayirlaydu waa kr. 13,50 lana socoto cashuurta dheeraadka ahi. www.vestfjorden.no Mars 2011 Oversatt ved Tolketjenesten, februar 2011 Tusaale 1: Macmiisha-caadiga, hal guri oo leh 140 litir oo hadhaa-qashin ah Qiime-joogto ah lana socoto cashuurta dheeraadka ahi kr 1.335,- + Qiime-isbedela: 140 litir x 14.29 kr/litir ee hadhaaga-qashinka: kr 2.000,- = Isugeynta-kharash kr 3.335,- Tusaale 2: Wadashaqayn 2 guri oo leh 140 litir oo hadhaa-qashin: Qiime-joogto ah lana socoto cashuurta dheeraadka ahi Kr 1.335,- + Qiime-isbedela: 140 litir x 14,29 kr/litir ee hadhaaga-qashinka/2 guri Kr 1.000,- = Isugeynta-kharashka gurigiiba Kr 2.335,- Waxa laga afeefanayaa in la bedeli karo qiimaha-bilicaynta ee kama-danbaysta ah marka siyaasiyan loo eego gu ga 2011ka. Tusaalayaal badan iyo faahfaahin dheeraada oo ku saabsan kharashka bilicaynta ka akhri bogga netka ee aanu leenahay. Tartan-su aalo Ka qayb-qaado qori-tuurka abaalmarinno fiican! Jawaabaha oo dhan waxaad ka helaysaa war-qoraalkan 1. Intee in le eg ayaad cuntada aad soo iibsato aad tuurtaa? 2. Waa side midabka daboolka hanta-waraaquhu? 3. Immisa kilo oo qashin-guri ah ayuu tuuraa qof kasta oo Asker deggeni celcelis ahaan sannadkii? 4. Goorma ayuu kuu bilaabmayaa nidaamka cusubi? 5. Maxaa laga sameeyay gaasta-dabiiciga ah? 6. Maxaa loo soocayaa qashinka-cuntada? 7. Maxaa loo haysanayaa haamo oo loo haysan waayay kishash? 8. Immisa haamood ayaa dibedda la dhigayaa, yaase dhigaaya? 9. Maxaa lagu siticmaalaa gaasta-dabiiciga ah? 10. Waa maxay RFID? 11. Waa maxay hadhaaga-qashinku? 12. Maxay noqon kartaa baakadda-caaga ee aynu qashin soocnaa? 13. Waa maxay ujeeddada loo kala saarayo qashinka-cuntada iyo hadhaaga-qashinka looguna qaadaa isku gaadhi? 14. Magacii ka ku sawiran bogga 3aad ee haamaha la joogaa? Abaalmarinta 1aad: Kala-doorasho xal-qashin-kala-soocid oo kijada ah ama kaadh-hadyadeed Asker Kulturhus - qiimihiisu yahay kr 1.000,- Abaalmarinta 2aad: 4 tigidh oo hoolka-dabaasha Risenga - qiimihiisu yahay kr 500,- Abaalmarinta 3aad: Bakhtiyaa-nasiib Flaxlodd - qiimihiisu yahay kr 250,- Waxa jawaabta la soo dirayaa ilaa 28ka maarso 2011 kuna hagaaji lene.stensland@asker.kommune.no ama Asker kommune, Kommunalteknisk avdeling v/lene Stensland, Pb.353, 1372 Asker.